Shirkad Laga Lee Yahay Ruushka Oo Doonaysa Inay Fududeyso Hubka AK 47-ka

0
386

Shirkad laga lee yahay wadanka Ruushka oo lagu magcaabo Red Heat ayaa sheegtay inay waddo mashruuc ay qoryaha Kalashnikoofka iyo ka AK47-ka kaga dhigayso kuwo fudfudud oo ka yar yar inta ay maanta laa le’eg yihiin,sida ay sheegay dhowaan shirkadaasi oo qandaraaskaasi kusoo bandhigtay shir ay lahaayeen ciidamada Ruushka qaybtooda hub soo saarku.
Shirkaddan ayaa sheegtay inay wado qorshe ay u bixisay Side Lines oo ay sheegtay inuu dhamaanaayo sannadkan 2015-ka,kaas oo ay kusoo saari doonto hub kala duwan ,gaar ahaana hubka hadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushka oo ay sheegtay inay ka dhigi doonto mid ka fudud kuwa hadda ama sida ay hadda yihiin,gaar ahaan qoryaha daran dooriga u dhaca ee Kalashnikoofka iyo AK47-ka.
Shirkan oo lagu magcaabo International Military Technical ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Moscow,waxaana kasoo qayb galay saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidamada dalkaasi Ruushka,waxaanay sheegeen inay u samayn doonaan labadan qori Devices ay ku rakibi doonaan fududayna doona waxyaalo kala duwan,sida Glonass iyo GPS..
Nin la taliye u ah shirkadda Red Heat oo lagu magcaabo Smorgunsky ayaa sheegay in ciidamada lagu tabobari doono hubkaasi ,madaama oo uu yahay mid farsamo cusub ah ,waxaanu sheegay in hubkan Kalashnikov noqon doono mid lagu xidhi doono qaybo la gelin doono Baytariyo cadceeda iyo laydhkuba ay Charge garayn karaan,aadna ciidamada ugu fududayn doona shiishka.
Hubkan ayuu sheegay khabiirkan inuu noqon doono mid qaali ah,axaanu sheegay inay doonayaan inay marka ugu horeeya soo saaraan ilaa 25,000 oo qori,kuwaas oo midkiiba la siin doono lacag dhan $500 oo Dollar.
Kolaha saraakiisha ee ciidamada Ruushka u qaabilsan hubka dib u habaynta lagu samaynaayo hubkaasi Ruushku caanka ku yahay ee Kalashnikoof iyo AK47-ka oo ah mid ay aad u isticmaalaan ciidamada wadankaasi iyo ciidamo kala duwan oo caalamka ku kala nooli.

Leave a Reply