Askeri Israa'iili ah oo Midi lagu Dhaawacay

0
328

Mid ka mid ah booliska Israa’iil ayaa si xun ugu dhaawacmay midi lagu dhuftay, kaas oo lagu weeraray bariga magaalada Qudus.
Booliska Iraa’iil waxa ay sheegayaan inay toogteen oo uu dhaawacmay wiil yar oo Falastiini ah oo ay sheegeen inuu weerarka ka dambeeyay.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay dibadda kore ee iridka taariiqiga ah ee loo yaqaano Albaabka Dimishiq, halkaas oo looga gudbo magaalada qadiimiga ah ee Qudus.
Laba maalin ka hor, nin hubeysan ayaa waxa uu toogtay qof Israa’iili ah wuxuuna dhaawacay qof kale. Dhammaan dadkaasi waxa ay ku sugnaayeen dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
 

Leave a Reply