Qarax ka Dhacay Afghanistan oo Dilay 19 Qof

0
314

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay Axadii shalay  in qarax bambaano jidka dhinaceeda la dhigay oo ka dhacay gobolka koonfureed ee Helmand ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah, oo ay sagaal caruur ah ku jireen. 12 ka mid ahaa dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay haayeen isku qoys.
Dadka ayaa dhintay markii miino ay ku qaraxday gaadhi ay saaraayeen, xilli ay qaxayeen dagaal ku dhex marayay meel ku dhow degmada la yidhaahdo Marjah ciidamada Afghanistan iyo dagaalyahanada Taliban.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warameysa in dhamaan caruurtii ku dhimatay qaraxaasi ay ahaayeen caruur da’doodu ay ka hooseeysay shan sana jirka.
Dhinaca waqooyi ee Afghanistanna , saraakiishu waxey sheegeen in dagaalyahanada Taalibaan ay qabsadeen degmada Chardara oo ah degmo muhim ah Sabtidii.
Maamulka dalka Afghanistan ayaa sheegay in Taliban ay la wareegeen magaaladaasi oo muhiim ah oo ku taalla gobolka waqooyiga ee Kunduz.
Weriyaha BBC-da ee halkaasi ayaa sheegaya in magaaladan oo lagu magacaabo Chardara ay ku taallo meel istiraatiiji ah, ayna aad ugu dhowdahay eelaboor.
Magaaladan waxay sidoo kale saaran tahay wadada gobolka ku xidha caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.
Bar internetka ay Talibaan ku leeyihiin ayaa lagu qoray in mintidiinta ay la wareegeen xarun boolis oo aad u qalabeysan.
Laakiin xoogagga dowladda ayaa hadda qaaday dagaal rogaal celis ah si ay dib ula wareegaan Chardara iyo qeybo kale oo aad u ballaadhan oo ka mid ah gobolka, halkaas oo dhowaantan ay kooxda la wareegtay.

Leave a Reply