Maali oo Heshiis lagu Gaadhay

0
334

Heshiis nabadeed ayaa lagu saxiixay dalka Mali.
Waxaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaad tobanaan sano u dhaxaysay dawladda iyo falaagada qabaa’ilka Tuareg.
Dawladda Mali ayaa falaagada Tuareg u ogolaatay awoodo dheeraad ah oo maamul goboleed .
Dawladda waxay ka noqotay amarkii xadhiga ahaa ee ay u jartay hogaamiyeyaal ka tirsan falaagada.
Waxaa jiray kooxo kale oo bishii hore saxiixay heshiiska.
Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxa uuna ugu baaqay dhinacyada ishaya in ay ka soo baxaan waajibaadka saaran.
Waxa ay dawlada si gaar ah uga dalbadeen in ay hormuud ka noqoto dadaalada dib u heshiisiinta.
Ciidama caalami ah oo ku sugan dalka Mali ayaa wali la daala dhacayaa xakamaynta kooxa jihaad doonka ah iyo kooxo hubaysan oo ka howlgala waqooyiga Mali.
 
 
 

Leave a Reply