Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal La Xidhiidha Xoojinta Wax wada Qabsiga Labada Dal Ku Tagay Itoobiya

0
317

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa sheegay in dalku sharci leeyahay isla markaana sharciyadda wadanka lagu dhaqayo siyaasadda iyo itijaaha siyaasadeed ee Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay shalay ka hor intii aanu wefti uu hoggaaminayay u kicitimin dalka Itoobiya oo uu socdaal dhawr maalmood qaadan doona ku tagay.
Madaxweyne Siilaanyo oo  qolka Nasashadda ee madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in safarkiisu la xidhiidho xoojinta wax wada qabsiga labada dal ee  Somaliland iyo Itoobiya waxaanu  xusay  in madaxda Itoobiya ay ka wada hadli doonaan maslaxada labada wadan.
Madaxweyne Siilaanyo oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa farxad weyn ii ah inaan  safar ugu baxayno dalka Itoobiya halkaas oo aanu  muddo gaaban safar ku joogi doono dalka Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay oo ay naga dhaxayso wax wada qabsi badan jaarnimo iyo wada shaqayni  naga dhaxayso. Markaa waa waajib in markii muddo la joogaba la wada hadlo oo danaha labada dal laga wada hadlo sidaa daraadeed maanta (shalay) dalkaas ayaan u ambo  baxaynaa safar waxaanan rajaynaynaa in Ilaahay innagu guuleeyo markaa waxa  ka wada hadli doonaa maslaxada labada dal.”
Madaxweyne  Siilaanyo oo warbaahintu wax ka waydiisay heshiiskii saddexda xisbi ka gaadheen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka oo Golaha Guurtidu ku tilmaamay inay ka hor imanayso muddo kordhintii ay u sameeyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ayaa waxa uu sheegay in la raaci doono sharciga dalka u yaalla waxaana uu yidhi “Waxa weeye dalku sharci ayuu leeyahay iyo nidaam cid ayaana qaabilsan hawlahaa sharcigu wuxuu yahay ayaa la raacayaa.”
 
Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa xubno ka ah  Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,  Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Marwada madaxweynaha Aamina Sheekh Maxame d Jirde iyo wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Jaamac Galaal Iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali. Weftiga madaxweynaha waxa ku sii sagootiyay madaarka Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, waxaanu madaxweynuhu  salaan sharaf kaga sii qaatay madaarka cutub ka tirsan ciidammadda qaranka.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa shalay dhakhtarka  International Hospital  ee magaalada Hargeysa ku booqday Suldaan Maxamed Suldaan  Xirsi Qani oo habeen hore xanuun ku soo booday loo dhigay dhakhtarkaas.Madaxweynaha ayaa Suldaanka u duceeyay EEBBENA uga baryay in uu caafidaan siiyo oo uu ka dul qaado xanuun  haleelay. Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi  Qani oo ka mid ah Madaxdhaqameedka reer Somaliland ayaa laba maalmuudba u jiifa xannuun kadis ah oo ku soo booday waxaana imika lagu dawaynayaa ooo uu yaalla cisbitaalka International Hospital ee magaalada Hargeysa.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply