Weriye Aljazeera ah oo Jarmalka lagu Xidhay

0
299

Telefishinka Aljazeera ayaa dalbanaya in si degdeg ah loo siidaayo mid ka mid ah weriyayaasheeda oo lagu magacaabo Axmed Mansuur, kaas oo lagu xidhay dalka Jarmalka kaddib markii masar ay sidaasi codsatay.
Kusimaha agaasimaha guud ee TV-ga Aljazeera , Mostefa Souag, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka inaysan ahayn in ay noqdaan wado loo soo maro dhibaateynta warbaahinta.
Qoraal uu Facebook ku qoray Mr Mansuur waxa uu ku sheegay in maamulka Jarmalka ay tusiyeen qoraal muujinaya inuusan ahayn qof ay booliska Interpol ay doondoonayaan.
Sanadkii la soo dhaafay maxkamad ku taalla Qaahira ayaa Axmed Mansuur ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, isagoo ka maqan maxkamadda. Waxaa loo haystaa eedo la xidhiidha jidhdil.
Al Jazeera waxa ay ku dhawaaqday in eedahaasi yihiin kuwa been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.
Weriyaha waxa uu haystaa dhalashada dalka Masar iyo tan Britain.

Leave a Reply