“Wasiirradu Waxay Balan Qaadeen Inay Arrinta Warshadahan Hor-geynayaan Golaha Xukuumadda” Xildhibaan Ducaalle

0
308

Hargeysa (Dawan)- Guddida Joogtadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay saddex Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland kala shiray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin caafimaad iyo deegaan oo ka dhalatay warshadaha Hargaha ee laga hirgeliyay deegaammadda Dacar-budhuc iyo Haleeya.
Wasiirradda hor tagay Guddida Joogtadda waxay kala ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye, Wasiirka deegaanka Marwo Shugri Ismaaciil  Bandarre iyo Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse.
Guddoomiye Ku xigeenka Guddida Joogtadda ee Golaha Wakiiladda Md. Axmed Ducaalle Bulaalle ayaa xalay DAWAN, uga xog-waramay natiijada ka soo baxday kulankaasi iyo qoddobadii lagu falan-qeeyay. “Guddida joogtadda ee Golaha Wakiiladdu waxay maanta (shalay) kulan wada jir ah la yeesheen Wasiirradda Deegaanka, Caafimaadka iyo Warshadaha, waxaanan ugu yeedhnay in wax laga qabto dhibaatooyin caafimaad iyo deegaan oo ka dhashay warshadaha hargaha ee ku yaalla jiida Dacar-budhuc oo dadweynuhu ka cabanayaan, isla markaana dad ku dhintay halkaasi loo tirinayo sunta warshadahaasi. Arrintaasi waxaanu isula falan-qeynay si balaadhan, waxaanan  is tusnay jiritaanka dhibaatadda ay bulshadda ku yeelatay   suntaasi oo leh haliso caafimaad iyo deegaan,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaalle.
 
Ku-simaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka Guddida Joogtadda ee Wakiiladdu  waxa uu sheegay in saddexdaas Wasiir ay isku waafaqeen sidii dhibaatadaas wax looga qaban lahaa. “Saddexda Wasiir markii aanu isla eegnay dhibaatadan, waxaanu ku balanay in si wada jir ah wax looga qabto. Waxaanay Wasiirradu noo sheegeen inay Golaha Xukuumadda u bandhigi doonaan mawduucan si wax looga qabto,”Ayuu yidhi Xildhibaan Ducaalle.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Guddida Joogtadu ay baadhis qoto-dheer  ku samayn doonto dhibaatooyinka warshadahaasi ku hayaan mujtamaca.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply