“Waxaan Qabaa Inaan Hoggaamin Karo Ummadd Balaadhan, Hankaygu Waa Mid Waaqica Ka Turjumaya”

0
276

Hargeysa (Dawan )­ – Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in sheegay in uu leeyahay han siyaasadeedd oo uu shacbiga ku hoggaamin karo, waxaanu tilmaamay inuu bilaabay siyaasadda wakhtigii  uu ku biiray ururkii SNM.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in xiligan aanu qayb ka ahayn loolanka lagu jiro musharaxnimada xisbigatallada haya ee KULMIYE.
“Siyaasadda kamaan bilaabin Wasiirrnimo, waxaan ka soo bilaabay meel hoose. Waxaan ka soo bilaabay anigoo 20 jir ah oo dugsigii sarre ka baxay baan ku biiray ururka SNM ee halgankii xornimada, waxaan ka soo bilaabay anigoo maamule ka soo qabtay, buurtaa dheer ee halka ugu sarraysaa Madaxweynaha tahay  hoosta ayaan ka soo fantay,” Ayuu yidhi Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.
Waxaanu intaas ku daray “Maayar baan soo noqday, Xildhibaan baan soo noqday, macnihii hanweyn baan leeyahay, dabcan qofka bani’aadamka ahina han buu leeyahay, han-weyn baan leeyahay, waxaan qabaa inaan hogaamin karo Ummadd balaadhan, inaan horumar balaadhan samayn karo laakiin, hankaygu waa mid waaqica ka turjumaya. Ma degdegsani oo ma lihi imika ayaan sharaxanahay laakiin ma han li’i.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply