Madaxweyne ku xigeenka Oo Qaabilay Madaxweynaha Hay’adda CARE International

0
322

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Hargeysa(Dawn):- Madaxweyne ku -xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxweynaha   hay’ada CARE International  Miss Michelle Nunn oo socdaal ku  timi Somaliland.
Mudane Cabdiraxmaan  Saylici ayaa warbixin ka siiyay halka uu dalku marayo   wefti ay hoggaaminayso  oo safar shaqo ku yimi Somaliland. Halka Miss Michelle Nunn ay sheegtay in ay madax ka tahay ugu yaraan 90 dal balse ay iyadu doorbiday inay Somaliland ku horayso madaama ay ku cusub tahay xafiiska dhawaana la soo magacaabay, “Imaatinkayguna waxa uu i gelinayaa farxad dheeriya waayo in badan ayaan ku taamayey in aan indhaha ka soo qaado Jamhuuriyada Somaliland,”ayay tidhi Madaxweynaha Hay’adda Care International.
Waxa kale oo ay sheegtay inay hay’ada CARE  iyo Somaliland si wada jira isaga kaashanayaan ka shaqaynta iyo kor u qaadida arrimaha bini-aadannimida, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayeynta tayada macalimiinta gaar ahaan haweenka macalimiinta ah.
Geesta kalena Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa sheegay inuu  soo dhawaynayo Miss Michelle Nunn iyo weftiga ay hogaaminayso.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay inay weftigan ka wada hadleen sidii loo dardar-galin lahaa hawlaha ay hay’adani dalka ka qabato isla markaana loogu fudayn lahaa dhammaan hawlaheeda iyada oo la iska kaashanayo sidii ay waajibkeeda uga midho dhalin lahayd.
 
 
 

Leave a Reply