Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn

0
303

Qeybta 11aad
Muddo dhawr bilood ah oo ay M-pesa ka shaqeynaysay dalka Kiiniya ayay duufaano ka dhex kicisay dalka Kiiniya xaga dhaqaalaha, ka dib markay shirkadaha safaricom iyo Zain la wareegeen kaalintii Bangiyada, iyagoo adeegsanaya M-pesa.Sida aan ku soo xusnay qoraalladii hore, waxa ay sababtay sicir-barar si xawli ah u saameeyay dhammaan Seyladaha wax kala iibsiga, taas oo kicisay dareenkii dadweynaha iyo kii dawladdaba, waxayna inta baan dadku isweydiinayeen sababaha ay dawladda Kiiniya, gaar ahaana Baanka dhexe wax uga qaban la’ yahay shirkadahan isgaadhsiinta ee u hantiyey sida fudud hawlihii ka ganacsiga lacagta ee gacanta ugu jiray Bangiyada ganacsiga.
Shan bilood ka dib, ayaa wargeyska la yidhaa “The Standard” cadadkiisii Dec, 2008 uu si faahfaahsan wax uga qoray arrinta M-pesa, isagoo sheegay in duufaannadii M-pesa laga rogay hagoogtii ku shaqlanayd amase laga soo saaray ciidii ay  madaxa ku qarsanayeen.  Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in dawladdu haatan xaqiiqsatay in maqnaashaha sharci iyo kormeer ee shirkadaha adeegsada “mobile money” ee loo yaqaan M-pesa ay ka dhigtay mid siday doonto uga faa’iidaysata hawlo ganacsi oo aan wax xeer ah lahayn. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in xeer lagu dhaqo loo sameeyey shirkadaha M-pesa ku shaqeysta, si loo xakameeyo aafooyinka khatar badan ee  ku soo fool leh dalka iyo dadkaba, ayuu daboolka ka qaaday Wasiirka Maaliyadda ee dalka Kiiniya. Tallaabadii ku xigtay waxa uu Wasiirka Maaliyaddu Mr. John Michuki ku dhawaaqay in hadda wixii ka dambeeya uu Baanka dhexe awood u leeyahay inuu hanti dhawr u diro qaabka ay lacagta M-pesa u shaqeyso, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan baanku xeerkii lagu maamuli  lahaa shirkadaha isgaadhsiinta ee safaricom iyo Zain ee ku shaqeysta adeegga M-pesa. Hadalkani markuu ka soo yeedhay Wasiirka waxa si aad u soo dhaweeyey, kuna nafisay Baangiyadii ganacsiga ee uu hadheeyey adeegga bilaa sharciga ee M-pesa, kuwaas oo si aad uga qeyliyey adeeggan, isla amrkaana ka dalbanayay dawladda iyo Bangiga dhexaba, in xeer loo sameeyo adeeggan, si aanay dadka xumi u adeegsan si khaldan oo lagu dhici karo hantidooda. Dhawaaqii ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Mr. John, waxa iyana markiiba soo dhaweeyey mulkiilayayaashii shirkadaha aan kor ku soo xusnay ee ka  hirgeliyay dalka adeegga “Mobile Money” ee loo yaqaan M-pesa, waxayna si cad u sheegeen inay diyaar u yihiin ku dhaqankiisa xeer u gaar ah oo loo sameeyo adeeggooda. Geesta kale waxa ay mulkiilayaashu oggolaadeen, in Baanka dhexe uu mar kasta u soo diro karo hanti dhawr la socda dhaqdhaqaaqooda lacageed ee dalka, si ayay yidhaahdeen meesha looga saaro wixii shaki ah ee ku kala dhex jira labada dhinac. Haddaba, maanta suurtagal ma tahay in shirkadaheenna isgaadhsiinta ee ka ganacsada adeegga “Mobile Money” inay sida mulkiilayaasha la midka ah ee dalka Kiiniya u aqbalaan baanka dhexe ee Somaliland dhawaaq ka soo yeeedha oo la nooc ah kii uu ku dhawaaqay Wasiirka Maaliyada ee Kiiniya!. Jawaabtu waxay ila tahay in aanay ahayn mid meel dheer laga doonayo, waayo qof sharciga ka sarreeya ma jiro, dadkana waxa kala hagaa  xukuumadda iyo bulshadeeda. Sidaa awgeed waxay  ku qasban yihiin shirkadaheenna adeegsada “Mobile Money” inay yeeshaan xeerar ay dalka kaga shaqeystaan, gaar ahaana adeegga “Mobile money” hadda dhibaatooyin dhaqaalle xumo iyo sicir-barar xad-dhaaf ahba isticmaalkiisa bilaa sharciga ahi uu ku hayo dalka
 
LA SOCO………………………………

Leave a Reply