Faransiiska iyo Basaasida Maraykanka

0
432

Dowlada Faransiiska ayaa  waxa ay ku sheegtay inaysan u dulqaadanaynin basaasnimada uu Maraykanka ku sameeyey Madaxweyne Hollande.
Arintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Wikileaks ay shaaciyay in Maraykanka uu faransiiska basaasnimo ku sameeyey.
Waxuuna Faransiiska sheegay in uusan dulqaad ka muujin doonin ficil walba oo wax u dhimaya amaanka dalkiisa
Madaxweynaha Faransiiska ayaa shir u qabanaya galahiisa difaaca si ay uga hadlaan wararka sheegaya in Maraykanku basaasay madaxda Faransiiska.
Wikileaks ayaa daabacaday dikumiintiyo ay ku sheegtay in laamaha amniga ee Mareykanka ay jaajuuseen madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horeysay ee (Nicolas Sarkozy and Jacques Chirac).
Waxa ay bartan baahisa siraha la soo dusiyay ay sheegeysaa in arrintaasi ay dhacday intii u dhexeysay 2006 illaa 2012kii.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ma aysan xaqiijinin sax ahaanshaha dikumiintiyada.
Weriyaha BBC-da ee Washington, waxa uu sheegayaa in waxyaabihii horey ay Wikileaks u soo bandhigtay ee ku saabsanaa dalalka Jarmalka, Brazil, iyo Mexico, ay ahaayeen kuwa lagu qanci karay.
Mid ka mid ah arrimaha dhowaanahan la shaaciyay waxa ay muujineysaa madaxweyne Hollande oo meel mariyay shirar sir ah oo ku saabsan saameynta ay yeelan karto ka bixidda Yurub ee dalka Giriiga, horraantii 2012kii.
 

Leave a Reply