Kumannaan Qof oo Maleeriya ugu xanuunsanaya Guinea

0
361

Cilmi baadhayaal ayaa sheegaya in in kabadan todoba kun oo kiis oo maleeriya ah ay suuragal tahay inaan laga baadhin dalka Guinea sanadkii lasoo dhaafay xilligaas oo ah markii uu dillaacay Ebola.
Cilmi baadhis ay soo saareen seynisyahaniin Mareykan ah ayaa sheegeysa in ay suuragal tahay in kiisas kaloo hor leh ay sababi karaan in dad badan ay Galbeedka Afrika ku dhintaan.
Waxa ay sheegayaan in ay dhimashada ka darnaan doonto tan Ebola.
Warbixinta ay soo saaraan ayaa sheegeysa in Maleeriya dadka ay ka dhacday ay waayeen daaweyn, taas oo sabab u ahayd, in la xidhay xarumaha caafimaadka, ama bukaanada ay aad uga baqayeen inay caawimaad raadsadaan.
Cilmi baadhistan ayaa lagu daabacay wargeyska ka hadla baadhista caabuqyada ka dhasha cudurada.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in 1500 oo qof ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Guinea.
 
 
 

Leave a Reply