Koonfur Afrika oo la Dacweeyey Dawladda

0
369

Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa dhaliishay qaabkii dowladda ugu ogolaatay madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashir inuu dalkaasi ka baxo, isaga oo jabiyay amar maxkamadeed.
Al- Bashir ayaa todobaadkii hore Koonfur Afrika uga qeyb galayay shir madaxeedka Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa loo haystaa in uu galay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur,
Xaakim sare Dunstan Mlambo, ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika in ay jebisay sharciga dalka u yaalla.
Waxa uu sheegay in ay jirto sabab lagu rumeysan karo in dowladda Koonfur Afrika ay dembi gashay, iyada oo iska dhega-tirtay amar maxkamadeed.
15-kii bishan June, ayaa maxkamad ay amartay in madaxweyne Bashir aanu Koonfur Afrika ka bixi karin ilaa iyo inta ay maxkamada go’aan ka gaadheyso in loo gacan geliyo maxkamada dembiyada caalamiga ah ee ICC iyo in kale.
Xafiiska dacwad ooggaha Koonfur Afrika ayaa hadda loo xilsaaray in uu baadho dembiga ka dhalan kara arrinta madaxweyne Al-Bashir.
 

Leave a Reply