Obama oo Oggolaadey Madax furashada La heystayaasha

0
376

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in isbeddelo lagu sameynayo sida ay dawladdu ula dhaqanto xaaladaha afduubka ee la heystayaasha muwaadiniinta Mareykanka ah.
Madaxweyne  Barack Obama ayaa tilmaamay in aaney dawladda Mareykanku ku handidi doonin qoysaska la heystayaasha dacwad ka dhan ah haddiiba ay bixiyaan madax furasho.
Mr Obama  waxa uu muujiyay sida uu u dhaliilsan yahay siyaasada muddad dheer soo jirtay ee mamnuucaysa in wax heshiis ah lala galo kooxaha maleeshiyaadka ah.
Arrintan ayaa dhalisay in la is weydiiyo inay ka dhigayso muwaadiniinta Mareykanka kuwo bartilmaameed dhaqaale u noqda kuwa wax afduuba.
Isbeddelada ayaa yimid gebagebada dib u eegis lagu sameeyay siyaasada mareykanka ee la amrey kadib dilkii dhawr la heyste oo maraykan ahaa oo la diley kal hore.

Leave a Reply