Taariikh ahaan isticmaalka lacagtu waxa uu soo maray marxalado faro badan, waxaana jirey xiliyo bulshooyinka caalamku wax ku kala iibsan jireen badeecad badeecad lagu bedelo, kaas oo loo yaqaaney nidaamkii “Barter”. Nidaamkaas markii laga soo gudbay waxa bilaabmay nidaamka isticmaalka lacagaha oo wakhtigaasi lagu qiimayn jiray biro qaali ah, dahab iyo silfer. Waxaana la sheegay in lacagtii u horaysay oo ahayd qadaadiic la soo saaray 700 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise, inkasta oo ay qiyaastaasi tahay mid aan si cad loo xaqiijin.
Dalka Shiinaha ayaa ugu horeeyay samaynta lacagta noodhka ah ee warqadda ka samaysan, taasoo uu ninkii sameeyayna ahaa boqorkii la odhan jiray Ghengis Khan oo la sheego inuu noolaa qarnigii 13aad. Kaas oo xukumi jiray boqrtooyo ballaadhan oo xukunkeeda iyo maamulkeedu wada gaadhay dhulka qaarada Aasiya intiisa badan. Boqorkaasi si uu u hirgeliyo lacagta isticmaalkeeda waxa uu sameeyey nidaam cusub oo ah inuu dadweynaha ka iibsado dahabka iyo waxyaabaha kale ee qiimaha leh. Sidaas darteed qof kasta oo u keena Dahab ama Silfer waxa uu siin jirey oo uu alaabtiisa kaga iibsan jirey lacag noodh ah oo ay ku daabacan yihiin sawiro iyo qoraalo ku saabsan lacagta tiradeeda iyo qiimaheeda, Iyada oo qiimaha wax lagu kala bedelanayo ama lagu kala iibsanayaana ahaa mid la isla ogol yahay oo heshiis lagu yahay. Sidoo kalena haddii uu qofku u baahdo dahabna waxa dahabka uu u baahan yahay ka iibin jirey boqortooyada oo ka siin jirtey lacag u dhiganta dahabka uu doonayo qiimahiisa. Taasina waa halka ay ka soo bilaabantay lacagta waraqaaha ah ee aynu maanta isticmaalo iyo wax ku iibsigeedu. Waxaana xusid mudan in xiligaas lacagta uu boqorkaasi sameeyey ahayd mid damaanad buuxda leh, sababtoo ah Xarunta boqorka waxa yaalay dahab tiro badan oo u dhigamayey lacagta bulshadu isticmaalayso, ee hadba seyladaha wareegaysa.
Bangigii dunida ugu horeeyayna waxa sanadkii 1661-kii laga furay qaarada Yurub, gaar ahaan dalka Sweden, oo isagu wakhtigaas daabacay lacag sharciyaysan oo caalmi ah, waxaana qiimaha lagu salayn jiray inta kiilo ee dahab ah ee qofku baanka dhigto.
Dalka Ingriiska ayaa isaguna horaantii qarnigii 18 aad, samaystay lacag shilimo ah, taasoo hadba inta uu qofku dahab baanka dhigto qiimaheeda lagu siin jirey shilimaan ah. Maraykanka ayaa isaguna mar danbe oo ahayd horaantii qarnigii 19aad qaatay in lacagta dahab lagu jaan gooyo. Sanadahii 1930-1933 ee qarnigii tegay ayay dalalka dunidu dhamaantood lacagahooda ku jaangoyeen xadiga dahabka ah ee baanka u yaalla, si ay lacagtu qiimo u yeelato, oo aanay u dhicin in cidina iska samaysato lacag aan qiimo lahayn oo bilaa damaanad ah.
Sanadkii 1944 ayaa shirkii loo bixiyay Bretton Woods Conference ee uu qabqablaha ka ahaa wadanka Maraykanku waxa lagu qaatay nidaamka cusub ee maanta lagu dhaqmo oo ah waxa loo yaqaano ( A Fixed Exchange Rate) qiimaha go’an ee sarifka lacagta. shirkaas waxa kale oo la iskula qaatay in dollerka Maraykanka lagu jaangooyo qiimaha lacagaha kale ee caalamka, iyada oo arintaasna lagu xidhay shuruud ah inaanu Maraykankuna daabacan karin lacag doller ah isagoo aan marka hore Baanka dhigin dahab damaanad ah oo u dhigmaya lacagta uu daabacanayo qiimaheeda. Iyada oo dahab ahaana qiimaha dollarka lagu saleeyay in 28 garam ee dahab ahi ay u dhigmaan $ 35 doller. (The dollar fixed in terms of gold—$35 an ounce).
Sidaas ayay lacagtu u ahayd weligeedba mid qiimaheeda la ilaaliyo oo ay maamulkeeda iyo koontaroolkeeduba ku jireen gacanta dawaladaha. Taariikh ahaana weligeed may dhicin in wadan dunida ka mid ah lacagtiisu noqoto mid ay xukumaan shirkado ganacsato ah oo macaash doon ahi. Balse dalka Somaliland ayaa noqday dalkii ugu horeeyey ee shirkado ganacsato ah oo gaar loo leeyahay maamulkii lacagiisa la wareegaan. Kuwaas oo weliba maalin kastaba xadiga lacagta ah ee ay u baahdaan iyagu samaysta, maadaama ay yihiin shirkado aanay cidina la xisaabtamin, oo xitaa aanay jirin cid la og, am ama ka warhaysa lacagta ay samaysanayaan tiradeedu inta ay tahay.
Sidaas darteed arimahaasi waxa ay sababeen in lacagtii wadanka iyo dhaqaalihii ummadu lahayd oo dhami ku ururaan gacanta shirkadahaas.
La soco Khamiista dambe………………..