Masjid ku yaal Kuwait oo laysku Qarxiyay

0
402

Qof ayaa isku qarxiyay masjid ay shiicadu leeyihiin oo ku yaal Kuwait.
Wararka wasaarada daakhiliga Kuweyt ayaa  sheegaya in tirada dhimashadu mareyso 25 qof  iyo dhaawac  gaadhaya 202 , waxaanu ahaa  weerarkii ugu horeeyay ee noocan ah oo dalka ka dhaca.
Qaraxa ayaa lala beegsaday masjidka Imama Al-sadeq oo ku yaal magaalada Kuwait waqti ay socotay salaadii jimcaha.
Kooxda daacish ayaa sheegatay in mid ka mid ah xagjiriinteedu uu weerarka fuliyay. Weerarkan ayaa yimid kaddib markii mid isaga la mid ah lagu qaaday masjid ay Shiicadu leedahay oo ku yaal dalka Saudi Arabia.
 

Leave a Reply