Weerar ka Dhacay Tunisiya oo lagu Dilay 27 Qof

0
419

Rag hubeysan ayaa weeraray hotel ku yaal meel dalxiiska loo tago oo xeeb ah dalka Tunisa, iyagoo dilay ugu yaraan 27 ruux.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga hubeysan ay toogasho ku dileen ciidamada ammaanka, halka kuwa kalena lagu raad joogo.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Sousse oo ay yimaadaan dalxiisayaasha Yurub iyo waqooyiga Afrika. Kani waa weerarkii labaad ee ka dhaca bilo meelaha dalxiiska.
Bishii March ayey rag hubeysan ku dileen weerar in ka badan 20 ruux matxafka Bardo ee magaalada xarunta Tunis.
 

Leave a Reply