Yurub oo Go'aan ka Qaadatay Tahriibayaasha

0
410

Hogaamiyayaasha dalalka Yurub ee ku shirayay magaalada Brussels ayaa waxa ay ka munaaqashoodeen sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka tirada  badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub ee xuduudahooda ka gudbaya.
Tallaabooyiinka ay ka qaadayaan waxaa ka mid ah, in dalalka qaar ay si iskood ah u qaataan qaar ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee gaadhaya  dalka Taliyaaniga.
Waxa ay sidoo kale isku raaceen in tallaabo adag laga qaado kuwa aan u qalmin in megengelyo lasiiyo, dibna loogu celiyo dalalkooda.
Kullankan ayaa imaanaya iyadoo boqollaal kun oo qof ay sanadkan oo keli ah ay ka gudbeen xuduudaha dalalka Yurub.
Hoggaamiyeyaasha reer Yurub oo wajahaya xasaradda ka taagan badda Mediterranean-ka ayaa waxa ay sheegayaan in hadda muhiimaddooda koowaad ay tahay inay ka hortagaan tahriibayaasha sharci darrada ah ee ku sii qul-qulaya Yurub, iyo sidoo kale inay qaadaan tallaabooyin adag oo dib loogu celinayo muhaajiriinta aan u qalmin in la siiyo magan-gelyo.
Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa ku baaqay heshiisyo dheeraad ah oo lala galo waddamada ay muhaajiriintani ka soo jeedaan, iyadoo loo caddeynayo kooxaha budhcadka ah ee dadka tahriibiya in dadka ay safriyaan, iyo in qofkastaa oo Yurub si sharcidaro ah ugu tahriiba dalkiisa dib loogu celin doono.
Dhigiisa Britain, David Cameron ayaa isna sheegay in dalkiisa uu doorkii looga baahnaa ka qaadanayo soo badbaadinta muhaajiriinta ku sugan badda gudaheeda iyo in la soo qabqabto kooxaha budhcadda ah ee ka dambeeyay qulqulka muhaajiriinta sharcidarada ah.
Balse ma uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan in si siman loo qaybsado dadkaasi soo galootiga ah si dalalka talyaaniga iyo Giriigga looga caawiyo in laga yareeyo culeyska saaran.
Taa badalkeeda hoggaamiyeyaashani waxa ay ka wada hadleen qaab ku meel gaadh ah oo afartan kun oo qof loo arko in ay u baahan yihiin magan-gelyo si iskood ah lagu geeyo waddamo kale oo reer Yurub ah balse sida loo qaybsanayo tiradaasi ayaa haddana ah mid ay tahay in go’aan laga gaadho.
 

Leave a Reply