Giriiga oo Eedeeyay Tallaabada Midowga Yurub

0
387

Baarlamaanka dalka Giriigga ayaa meel mariyay qabashada afti dadweyne oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Alexis Tsipras, taas oo diiradda lagu saarayo waqtiga ay bixinayaan deynta lagu leeyahay.
Isagoo hadlay ka hor codeynta baarlamaanka, ee  saqdii dhexe, Mr Tsipras ayaa shacabka Giriigga ka codsaday inay codka diidmada ee MAYA siiyaan aftida  la qabanayo 5 Juley.
Waxa uu deenbixiyayaasha, ee Midowga Yurub, Bangiga dhexe ee Yurub iyo IMF, ku eedeeyay in Giriigga ay ugu hanjabayaan waqtiga kamadambeysta ah.
Waxa uu qirsan yahay, cod dadweyne oo  badan inuu xoojin karo kaalinta wadahadallada ee Giriigga.
Hadalkiisan waxa uu imaanayaa iyadoo dalalka Midowga Yurub ay u diideen inay waqtiga deyn bixinta u kordhiyaan xukuumadda Athens.
Maalinta Salaasada ah ee soo socota ayey ku egtahay xilliga Giriigga loo qabtay ee la doonayo inuu ku bixiyo 1.7 bilyan oo dollar oo ay IMF ku wareejiyaan.
 

Leave a Reply