Sacuudi Carabiya oo lagu soo Ridey Gantaal Khasaare Geystay

0
460

Warbaahinta rasmiga ah ee dalka Sacuud Carabiya ayaa sheegtay in hal askari uu ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay gantaal lagaga soo riday dhanka Yemen oo ku dhacay xadkooda.
Wakaaladda wararka ee dawladu ma aysan sheegin cidda masuulka ka ahayd gantaalkaasi la soo riday.
Dhacdadaasi waxa ay ka dhacday meel u dhaw magaalada Jazan.
Jabhaddaha Xuutiyiinta ah ee dalka Yemen ayaa si joogta ah gantaalo ugu rida xadka dalka Sacuudi Carabiya tan iyo markii ay xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ay bilaabeen in ay hawada ka duqeeyaan Xuutiyiinta bishii saddexaad ee sanadkan.

Leave a Reply