Dhiig Yaraanta (Anemia)

0
955

Qofka qaba dhiig yaraantu waxaa ku jira waxoogaa unugyada dhiigga cas-cas dhiiggiisa dhiiggeeda oon ahayn ka caadiga ah. Unugyada dhiigga cas-cas ayaa gaadhsiiya ogsijiinka dhammaan unugyada jidhka ku yaalla. Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas ay ka hooseeyaan inta caadiga ah, ogsijiin yar ayaa gaadha dhiiga.
Calaamadaha Dhiig yaraanta lagu garto waxa ka mid ah:

  • Qofka qaba dhiig yaraantu lagama yaabo inuu ogaado wax calaamado ah. Marka dhiig yaradi ka sii darto, waxa laga yaabaa inaad yeelato calaamadahan:
  • Tabcaan- ama tamar darro ama daal dareemid
  • Dawakhaad ama suuxid dareemid
  • Gacmaha iyo lugaha oo ku qadhqadha
  • Madax xanuun
  • Dubka oo naafish noqdo ama ciddiyaha oo si sahlan kuu dildilaaca
  • Dhibaato aad kala kulanto inaad si fiican u fikirto ama inay kugu adkaato xoog meel saaristu
  • Neefta oo ku qabata ama laab xanuun
  • Wadne garaac degdgea ama aan caadi ahayn
  • Waqtiyada caadada oo yaraada waqtiyada uu socdo dhiigga caadadu
  • La hadal dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto calaamadahaas mid uun. La hadal dhaqtarkaaga haddii neeftu ku qabato ama xabbadku ku xanuuno.

Sababaha
Sababaha dhiig yaradi waxaa ka mida:

  • Dhiigista ama dhiig baxa.
  • Fitamiinka B-12 jidhka la dhamaada.
  • Daawaynta xanuunnada qaarkood, sida kansarka,oo aad jidhka u adkeeya si uu u sameeyo unuggyada dhiigga cas-cas ee cusub
  • Jirrada dhiigga kaas oo burburiya jidhka unugyo dhiig cas-cas oo badan.
  • Dhibaatooyinka hab-dhiska difaaca halkaas oo jidhku buruburiyo ama aanu samayn karin unugyada dhiiga cas-cas
  • Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha adhiga
  • Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah.

 
Xigasho: Bahda caafimaadka ee Jacbur.
 
 

Leave a Reply