Giriigga oo Qorshe Cusub la yimid

0
298

Giriigga ayaa codsaday heshiis cusub oo labo sano ah, uu lacag dheeraad ah kaga helayo Midowga Yurub.
Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah, dib u qaabeeyn deg deg ah oo lagu sameynayo deynta badan ee dalka. Hadalkan ayaa yimid daqiiqadii ugu dambeysay.
Giriigga ayaa horay u cadeeyay inay seegi doonaan dib u bixinta deyn muhiim aheyd dhamaadkii shalay, oo heshiiska lacag siinta ee hadda jira uu ku egyahay.
Wariyayaal badan ayaa soo sheegaya inuu jiro shaki badan oo ku saabsan qorshaha dambe ee Athens. Jawaabta dowladaha Midowga Yurub ayey taxadar weyn ka muuqaataa. Hogaamiyaha Germalka, Angele Merkel, ayaa lagu soo warramayaa inay sheegtay inaysan fileyn shalay wax horumar cusub ah.
Wasiirada lacagta ee Midowga Yurub ayaa saacadaha soo socda qorshahan uga hadli doona shir ay ku qabanayaan khadka taleefoonka.
 

Leave a Reply