“Sidii Aanu Horeba Ugu Caddaynay Heshiiskii Xisbiyadda Go’aankii Guurtidu Waa mid Sharciya” Madaxweyne Ku xigeenka

0
391

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa cadeeyay in aanay ka bixin heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi qaran ee ku  wajahnaa wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka  Madaxtooyadda iyo Wakiiladda.
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xgeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo shalay shir jaraa’id si wada jira ugu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda ee magalada Hargeysa ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hadaladii ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka oo ay ku sheegayaan in xukuumadu ka baxday heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda waxaana ay carabka ku dhufteen inuu  sharci yahay go’aankii Golaha Guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilada.
Madaxweyne ku xigeenka oo halkaas ka hadlay ayaa sharaxay mawqifka xukuumadda iyo xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ay ka taagan yihiin xaaladda dalka, waxaanu akhriyay dhawr qodob oo kala ahaa sidan:-

  1. Mawqifka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxa uu taageersan yahay heshiiskii xisbiyadda qaranka iyo xukuumaddu isla gaadheen meel ay xukuumaddu kaga baxday heshiiskaas ma jiro.
  2. Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye sidii aanu ku cadaynay heshiiskii xisbiyadda go’aanka Golaha Guurtiduna waa mid sharciya.
  3. Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxa uu ku jiraa in mudanayaasha Golaha Guurtida oo ah hay’ada xaqa u leh muddo kordhinta in aanu isku qancino sidii xalka siyaasiga ah aanu iskula waafiqi lahayn.

Sidaa darteed in dadka la jahwareeriyo oo wax aan jirin loo sheego oo la yidhaahdo xukuumaddii ayaa heshiiskii ay xisbiyada la gashay ka baxday meesha kuma jirto.”
“Sharci ayaa jira   waxa aanu qaadayna waa xal siyaasiya oo saddexda xisbi isla garteen iyadoo danta qaranka laga duulayo oo aynu ku raali gelinayno beesha caalamka ee innala shaqaysa oo dimuqraadiyada innala wada. Wax kale oo meesha yaalaa ma jiro heshiis laga baxayna ma jiro,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxamaan Saylici.
 
Guddoomyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Waddani ka baxay heshiiskii saddexda xisbi ku doonayeen inay u gudbiyaan Golaha Guurtida waxaana uu yidhi  “Waxa aanu isla qaadanay saddexdayada xisbi intii  aanay Guurtidu go’aanka muddo kordhinta qaadin in aanu u gudbino,  waxaanu heshiis ku nahay waanu qornay waxa aanu u tagnay Guddoomiyaha Golaha Guurtida wuu naga aqbalay waxaanu  yidhi  mushkilad  ayaad naga furateen haddii aad saddexdiina xisbi ku heshiis tihiin wakhti annaga way noo dhib yar tahay . Waliba waxa uu codsaday guddoomiyaha Waddani Gudidii Guurtida ee loo saaray arrinta muddo kordhinta in loo shiriyo oo saddexdayada xisbi arrintaa waydiisano way naga aqbaleen subaxnimo ayaan aniga iyo Faysal la fadhinay aakhirkii ayuu WADDANI diiday.
Guurtidu waxay yidhaahdeen wax aydaan heshiis  ku hayn ayaad noola imanaysaan ayay yidhaahdeen way soo taliyeen go’a’an ayay gaadheen mucaarIdka ayaa ka qayliyay. haddana waan u dhego nuglaanay waxa aanu ku nidhi Guurtidu go’aan ayay gaadhay  oo maaha maalintii aynu jaaniska lahayn Guurtida oo heshiiskana  haddii aanay iyagu innaga ogolaan meel marin kari mayno.”
 
Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in caalamku aanu ka talin Somaliland waxaana uu yidh “Nimankii mucaaridka ahaa waxa ay la soo taagan yihiin caalamka ayaan u yeedhaynaa caalamku halkan kama taliyo wuu ina caawiyaa.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply