Dagaalyahanno Weerarray Ciidammada Masar ee Sinai

0
319

Dagaalyahanno ka tirsan ururka isugu yeedhay Dawladda Islaamiga, ayaa weerarro isxig-xigay ku qaaday ciidammada Masar ee ku sugan gacanka Sinai.
Ciidammada ayaa sheegay in dagaal uu weli deegaankaasi ka socdo, ayna ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka iyo dagaalyahannada.
Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in dagaalyahannada ay weli ku sugan yihiin wadooyinka magaalada Sheikh Zuwaid.
Ciidammada ayaa sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday 5 bar-kontorool iyo saldhig boolis, mid ka mid ah bartilmaameedyadaasina uu qof isku qarxiyay.
Dagaalyahannada ururka isugu yeedhay Dawladda Islaamiga ayaa kordhiyay dagaalka ay kula jiraan ciidammada dowladda, tan iyo markii xukunka dalkaasi laga tuuray madaxweyne Maxamed Mursi.
 

Leave a Reply