Ganacsade Xidhay Jid Muhiim Ah iyo Farriinta Gaadiidlay Ku Xanibantay

0
330

Hargeysa(Dawan): Dhisme Fooq ah oo  shirkadda ganacsiga ee Oomaar   ka dhisanayso  ka soo hor jeedka dhismihii hore ee Wadaaradda Duulista Hawada, isla markaana   dhanka  waqooyi  kaga beegan taalada Kaaraha ee is-goyska baar Hargeysa, oo uu dhismihiisu muddo dhawr bilood ah socday dhibaato weyn ku keentay isku socodkii jidkaasi oo ah mid hal-bawle ah.

 

 Waxaanay  ku xidhatay waddo muhiim ah oo isku xidha jidka wadnaha caasimadda iyo wadada Togdheer illaa Idaacadda iyadoo shirkaddu wadada ku rogatay dhawr lawdh oo jay iyo ciid ah isla markaana laamiga dusheeda ku shubatay jaygii wax lagu dhisayay.

 

Wadada ay xanibtay shirkaddu oo ah ta hor marta garoonka kubadda kolayga ee TIMACADDE oo ay isaga gudbaan  gaadiid aad u tiro badan ayaa sababay in gaadiidkii wadadaa isaga gudbi lahaa in ay halkaa ku xanibmaan isla markaana ay waayaan meel ay ka gudbaan iyadoo xalayna  uu wadada sii gooyay wii loo adeegsanayay shubka sare ee Fooqa oo uu gaadhsiinayay sibidhka.

 

 

Mid ka mid ah dadka  gaadiidka watay ee wadadaa ku xanibmay oo aanu xalay kula kulanay xilli ay baabuur badani  halkaa ku xanibantay oo ay waayeen meel ay ka gudbaan,ayaa isagoo sida uu u arko wadada shirkadda Oomaar u xidhatay fooqa ay dhisanayso waxa uu yidhi. “Ma garanayo caqliga odhanaya Jay iyo Sibidh wadada dhigo iyo sababta wax looga qaban waayay, imika waa kaasoo Oomaar Waddo ayuu xidhay ee yaa odhanaya Oomaar waxaad samaysay waa qalad oo sharci darro ayaad samaysay.”ayuu yidhi ninkaa ka midka ahaa dadka  gaadiidka watay ee jidkaa ganacsaduhu xidhay ku xanibnaa xalay.

 

 

Su’aasha   is waydiinta mudan waxay  tahay,  maxay arrintani  dawladda hoose tallaabo uga qaadi wayday markay ganacsatada waaweynu ku xad gudbaan waddooyinka ee ay jid halbawle  ah u xidhaan dhisme ay fooqyo ka taagayaan halka Dawladda hoose ay maalin kasta jidadka laabta kaga daadiso ganacsatada yoomiye eryadka ah ee waddooyinka hareeraheeda ku ganacsada  Keeriyooneyaasha ee ay  eriga ugu dhammayso maalin kasta iyo siday u  ugaadhsanayso.

 

Waxay dadkii xalay wadadan ku xanibnaa aad isu waydiinayeen miyaanu sharcigu qabanayn maalqabeenada waawayn eek u xadgudba waddooyinka mise waabu dhisan karaa.?

 

Hadaba waxaa looga fadhiyaa dawladda hoose in ay tallaabo ka qaado ganacsadaha wadada xidhay iyo mis kasta oo sidaasoo kale yeela oo xaniba waddo  la maro.

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply