Deymihii Giriiga oo Xal Kooban laga Gaadhay

0
283

Dawladda Giriiga ayaa sheegtay in ay aqbalayso qorshihii ay soo jeediyeen qolyaha daymaha siiya laakiin ay shuruud ku xidhayaan.
laakiin Germanka ayaa ku dhawaaqitaankaasi ku gacansaydhay.
Qorshahan isbadalka lagu sameeyay waxaa galinkii dambe daymo bixiyeyaasha u soo gudbiyay Ra’isal wasaaraha dalkaasi Aleksis Sibras, arrintaasi oo durba suuqyada si wanaagsan looga dareemay.
Hogaamiyaha Germanka Angela Merkel ayaa baarlamaanka u sheegtay in aysan jiri doonin wadahadalo dheeri ah tan iyo inta ay ka dhacayso aftida Giriigu.
Waxa ay sheegtay in uusan hadda shaqaynaynin qorshihii ay midawga Yurub soo gudbiyeen sabtidii hore maadaama oo wajigii labaad ee qaan bixinta la dhaafay.
Giriigu waxa ay ku guuldaraysteen in ay dib u bixiyaan daymo muhiim ah taas oo loo qabtay in ay ugu dambayn bixiyaan arbacadii.
 
 

Leave a Reply