Tuuniisiya oo Baadi goobaysa Dad la Tuhunsan yahay

0
295

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Tuuniisiya ayaa baadhitaanka ay ku waddo weerrarkii magaalada Sousse waxa ay ku baadi goobaysaa laba qof oo laga shakisan yahay.
Qoraalka wargelinta ayaa waxaa lagu daabacay bogga ay Facebook-ga ku leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, hasayeeshee halkaasi kuma cadda sababta loo baadi goobayo.
BBCda ayaa loo sheegay in dadkaasi ay xidhiidh la lahaayeen ninkii hubeysnaa ee 38 qof ku dilay xeebta Sousse.
Inta badan dadka ay dhibaatadu soo gaadhay waxa ay u dhasheen Britain.
Ilo booliska ka tirsan ayaa BBCda u sheegay in labada qof ee magacyadoda lagu sheegay bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha gudaha ay saaxiibbo la ahaayeen ninkii toogashada ku dilay tiro dalxiiseyaal ah todobaadkii hore.
Wasaaradda arrimaha gudaha waxay magac dhawday oo soo galisay masawirrada Mohammed Al Sharadi oo arday ka ah Bizerte oo ku taalla waqooyiga Tunisia iyo Rafique Al Tayari oo ah 28 jir ka soo jeeda magaalada caasimadda ah ee Tunis.
BBC ayaa loo sheegay in dadkaasi loo doonayo in su’aalo la weydiiyo.
Sidaas oo ay tahayna warbixinno ka imaanaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegaya in ninkii dableyda ahaa ee ka dambeeyey weerarkii lagu le’day ee Sousse ay u badan tahay inuu tababar ku soo qaatay Libya.
Saraakiisha Tunisia waxay kaloo xaqiijiyeen xadhigga koox dad ah o ay rumaysan yihiin in ay xidhiidh la leeyihiin weerarkaas lagu dhintay, lamase oga dadkaas kuwa ay yihiin.
Xukuumadda ayaa lagu dhaliilay qaar ka mid ah guuldarrooyin xagga amniga iyo sirdoonka ah.
Bishii Maarso ayaa koox dabley ah waxay gudaha u galeen matxafka Bardo ee magaalada caasimadda ee Tunis, halkaasoo ay ku dileen 22 dalxiisayaal ajaanib ah.
Dhaqaalaha Tunisia ayaa badi ku tiirsan dalxiiska.
Dad badan ayaa walaac ka qaba dalxiiska oo hoos u sii dhacay, taasoo ay ugu wacan tahay welwel laga qabo ammaanka.
 

Leave a Reply