Burco (Dawan):- Kulan balaadhan oo lagaga wada hadlayo biyo balaadhinta Burco oo ay ka qayb galeen Wasiirro Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco masuuliyiinta wakaalada Biyaha ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.
Wasiirrada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Wasiirul dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) Wasiirul dawlaha Wasiirul dawlaha khayraadka Biyaha Cabdisalaan Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale oo kulankaa ka qayb galay ayaa dhammaantood sheegay sida loogu baahan yahay isla markaana ay qaran ahaan muhiimka u tahay in biyo balaadhinta Burco la hir-galiyo.
Ugu horayn waxa ka hadlay Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheeegay in mashruucani uu yahay mid faa’iido u leh bulshadda Burco isla markaana aanu sanduuqa horumarinta Somaliland aanu kalii taageerin biyo balaadhinta ee uu taageero mashaariic kale oo fara badan uu ka taageero gobolkan ayna socdaan waxaana uu yidhi ”Mashruucan SDF wuxuu ka kooban yahay seddex qaybood, qaybta koowaad waxa weeye 14KM oo beebab oo la dhigayo, qaybta labaadna waa laba taangi oo waaweyn oo min 100 mitir kuyuubik ah, qaybta seddexaadna waxa weeye mishiinadiii ka soo saari lahaa biyaha ceelka oo laba ah, kharashka ku baxay mashaariicdaas qiyaas ahaan waxa weeye sagaal boqol oo kun oo Doolar, sanduuqa Horumarinta Somaliland ma maal-galiyo mashruucaa biyaha oo kaliya gobolka Togdheer laakiin waxa jirta mashaariic kale”.
Wasiirul dawlaha Khayraadka biyaha Somaliland ayaa dhankiisa caddeeyay in aanay jirin wax caqabado ah oo hor taagan mashruura biyo balaadhinta Burco. “Wax caqabada ama dhibaato ah oo ka jira habsami u socodka mashruucan illaa imika ma jiraan waanu sii socon doonaa IILAAHAY idankii, markuu dhammaadana waxaan rejaynayaa in magaalada Burco ay jiho walba biyo ku filan ay heli doonto haddii ALLE yidhaahdo.”
Dhinaca kale waxaa iyaguna hadlay biyo balaadhinta Burco iyo muhiimada ay leedahay Wasiir dawlaha maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani, duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo dhammaantood caddeeyay in ay qaran ahaan ka go’antahay hirgelinta mashruuca biyo balaadhinta Burco.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office