Shirkad Maxali ah oo Casriyaynaysa Madaarka Laascaanood Oo Muddo Dheer Xidhnaa

0
329

Laascanood(Dawan)- Shirkad maxali ah oo kaashanaysa dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool, ayaa shalay dib dhis lagu casriyaynayo ka bilowday madaarka Laascaanood oo muddo dheer aan shaqaynin. Masuuliyiin ka socday shirkadan oo la yidhaahdo Al-is xilqaan, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood.

Duqa degamada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac, oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiayay masuuliyiinta shirkada Al-Is xilqaan, waxaanu sidoo kale baaq u direy jaaliyadaha ku dhaqan dibadaha ee reer Laascanood in ka qayb qataan dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Masuuliyiinta shirkada Al-Is xilqaan ee maanta (shalay) soo gaadhay magaaladda Laascanood,  iyagoo ka fullin doona dhisme casriya madaarka Laascanood, aad baan u soo dhaweynaynaa shirkadaas oo gobalada bari aad wax uga qaban jirtay. waxaanu leenahay shirada Al Is xilqaan ku soo dhawoow gurigaagii ku soo dhawoow wax-qabad wax ku oolka ah ee aad wadaan, waxaanu rajaynaynaa inuu ka dhigi doono garooon caalamiya oo ka soo dagi karaan cid waliba.”

Maayarku waxa uu intaas ku kabay  “Waxaan halkan baaq uga dirayaa qurba jooga reer Laascanood waxaa laga yaabaa inaad ka soo degtaan garoonkan ka qeyb qaata dhismihiisa.”

 

Taliyaha qaybta booliska gobalka Sool Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay masuuliyiinta shirkada Al-Isx ilqaan waxaanu yidhi,“Waxaan filayaa inaad masuuliyad aad isa saarteen aad ku timeedeen gobalka, soo dhawaada aad baanu idiinku faraxsan nahay, waxaanan jecel nahay howshaa aad u timaadeen ee aad isku xil-qaanteen mid ummada waxtar u yeelata faa’iidooyin badana ay ka helaan haddii ALLE yidhaahdo. Waxaan leeyahay qurba jooga u dhashay gobalka wax badan oo aad wax ku bixin jirteen waxa ka khayr badan tan maanta aanu joogno.”

Masuul u hadlay shirkada Al-Is xilqaan ayaa ka mahad celiyay sida aan loogu kala hadhin soo dhaweyntooda, waxaanu xusay inay u yimaadeen sidii ay u dhisi lahaayeen madaarka magaaladda Laascaanoood, waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa.

By: Yoonis M. Jaamac

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply