Ciidanka Qaranka oo kala dhex galay dhinacyadii shaqaaqadu dhex martay gacantana ku dhigay sadex nin oo hubaysan

0
305

Guumays(Dawan):- Ciidanka qaranka Somaliland ee aagga  bari ayaa kala dhex galay kana hor tegay in ay dhibaato kale ka dhacdo magaalada Guumays ee gobolka Sool oo  habeen hore  isku dhac dhimasho iyo dhaawac  sababay uu ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah waxaanau ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen oo ay qabteen sadex nin oo hubaysan una  Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood oo halkaa ku xidhan.

Guddoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide oo shalay warbaahinta la  hadlay ayaa sheegay in xaaladda  tuulada Guumays ay imika degen  tahay oo nabad

Lagu soo celiyay waxaanu Xukuumadda Somaliland,Guurtida Culimo awdiinka dalka iyo wax garadka bulshadaba ka dalbaday in ay arrinta u soo gurmadaan oo ay si walaalnimo ah labada beelood ee wada dhashay u dhex galaan arrintoodana u dhameeyaan taasoo haddaan sidaa la  yeelin uu sheegay in ay soo noq noqon doonto.

Waxaanu geesta kale ku waaniyay labada dhinacna in ay nabad gelyda wada ilaashadaan kana fogaadaan wax ay ku naar gelayaan oo ah dhiigga qof Muslim ah oo la dilo.

Ugu horrayn Guddoomiyaha gobolba Sool Yaasiin  ayaa tacsi  u diray ehelka labada nine e shaqaaqadaa ku geeriyooday farriin waano ahna u diray labada dhinac. “marka hore waxaan tacsi u dirayaa ehelka labada Marxuum ee shaqaaqadaa ku geeriyooday oo aan leeyahay ILLAAHAY  uga baryayo in uu samir iyo iimaan saadiq ah idinka siiyo labada Marxuumna waxaan ALLE uga baryayaa in uu naxariistiisa macaan ugu deeqo,intaa ka dib waxaan halkan farriin uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah oo aan leeyahay ALLE ka baqa oo naar ha ku galina dhiig qof muslim ah oo aad walaalo tihiin inagoo ku gudo jirna bishii barakaysnayd ee Ramadaan waa ayaan darro in ay dad iskaga keen dhintaan waxaan labada dhinacba kula dar daarmayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato keeni kara.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Sool.

Waxaanu intaa ku daray in xaaladu imika degen tahay oo ciidanka qaranka iyo booliskuba ay joogaan isla markaana la soo xidhay shan nin oo laba la sii daayay sadexna ay xidhan yihii isagoo intaa raaciyay baaq qaran oo uu u diray Xukuumadda,Guurtida iyo waxgaradka Somaliland.

“Imika xaaladu way degen tahay wax dhibaato ahina ma taagna hadda  waxaanan  ku ammaanayaa sida wanaagsan ee ciidanka qaranku isla xalay(habeen hore) ugu gurmaday markii ay dhibaatadu dhacday  ee ay xaaladda nabad ugu soo celiyeen una qabteen dhawr illaa shan qof oo laba ka mid ah la sii daayay halka sadex nin oo hubaysnaana ay  xidhan yihiin ciidanka qarnka iyo booliskubana imika way ku sugan yihiin mana jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira labada dhinac,laakiin waxaan baaq iyo farriin qaran u dirayaa Xukuumadda Somaliland,Guurtida,Culimada iyo guud ahaan wax garadka Somaliland oo aan leeyahay arrinta labada beelood ee walaalaha ah si weyn oo walaalayn ah  ha loo dhex galo oo nabad waarta halaga dhex dhaliyo sababtoo ah waa arrin soo noq noqday haddaan xal gunta laga soo bilaabay laga dhex dhalinna way taagnaanaysaa oo ma dhamaanayso  markaa waa arrin qaran ee gurmad nabadeed oo qaran ha laga galo oo gacn ha laga gaysto ayaan leeyahay, ka gobol ahaanna inta gurmad nabadeed noo imanayo arrinta gacanta ayaanu ku haynaynaa.”

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply