Markii Tuuladu Cidla Noqotay Maxay Samaysay?

0
470

Gabadh Japan u dhalatay oo degan tuulada Tagoro aya samaysay muuqaalo sanamo dad la mood ah oo farshaxan ah. Gabadhan ayaa doonaysa inay muujiso in loo qaato in magaalada dad badani ku nool yihiin. Sida uu daabacay wargeyska Miror ee Ingriiska shalay  sawiradan sanamada ah ayay meel kasta oo magaalada ah dhigtay , isla marakaana ay dhirta saartay. Gabadhan oo lagu magacaabo Tasokeim Ayano ayaa muuqaalkii ugu horeeyay samaysay muddo hore taasi oo ay shimbiraha ku cabsi gelisay si aanay uga cunin hadhuudhka beerteeda .
Tuuladan ayaa la mid ah tuulooyinka kale ee Japan ee ay dadkii degenaa iska gureen iyagoo shaqooyin u raadsaday magaalooyiinka. Tuuladan ayaan wakhtigan lahayn Dugsi waxbarsho ka dib markii la xidhay sanadkii 2012 wakhtigaasi oo ay ka bexeen laba arday oo keliya.

Leave a Reply