Markii uu wiilka yari u soo galay Timajaraha, ayuu tima jaruhuna macmiilka uu xiirayay ku yidhi :” Wiilkani waa kan ugu doqonsan dunida? Bal hadda eeg waad rumaysan doontaaye?
Labadiisa gacmood ayuu mid saaray hal diinaar, tan kale wuxu ku qabtay rubuc diinaar. Ka dib wiilka yar ayuu ku yidhi labada dinaarka iyo rubuc diinaarka mid qaado. Wiilka yar ayaa qaatay rubuc diinaarka. Timajaraha ayaa ku yidhi macmiilkiisa weligii waa sidaasi mar kasta sidaasi ayaan ku idhaahda waxaana uu qaata taasi yar ee rubuc diinaarka ah, haddana wuu garanayaa inay tahay tan yar.
Markii uu macmiilkii ka baxay rayiislaha ayuu eegay wiilka yar halka uu tagayo waxaana uu arkay inuu iibsanayo Ice cream. Macmiilka ayaa ku soo dhowaaday waxaana uu weydiiyay sababta uu u doorto Rubuc diinaarka oo uu qaadan waayo hal diinaar, isagoo garanaya inay ka yar tahay tan kale?
Wiilka yar ayaa ugu jawaabay maalinta aan doorto halka diinaar waa maalinta ay ciyaartu dhamaanayso! Maalin danbe ima odhan doono kala dooro, halkaasina waxa igag go’aya rubuc diinaarka. Caruurtu waxay garanayaan marar badan wax ka badan inta aad taqaan. Mar kasta dhinac aad wax ka eegayso maaha sax!