Wargeyska Mitro ee Ingriiska ayaa daabacay shalay in shaqaalaha shirkada Basingstoke ee Tareenada Ingriiska ay baahiyeen arrin aad qariib u ah iyagoo sheegay in dadka rakaabka caatada ah oo keliya kiraysan karaan qaybta sadexaad ee taeenka. Shirkada ayaa intaasi raacisay in kuraastaasi ay yihiin kuwo xajmigood yar yahay oo aan ku filayn dadka buuran. Dad badan oo qaybtaasi raaci jiray ayaa aad ula yaaban waxa kelifay wakhtigan in shirkadduu sidan ula dhaqanto dad bulshada ka tirsan oo ay xaqooda doorashada iyo dookha iyo weliba tii dhaqaalaha ka horyamaadan. Shirkadda ayaa sheegtay inay dhowaan keeni doonto tareen cusub oo ku filaan doona rakaabka dhamantii kaasi 250 malyuun ka baxayaan, inta ka horaysana ay sidaasi ku sii shaqayn doonaan.