Toban Xannuun Oo Isticmaalka Joogtada Ah Ee Kalluunku Ka Hortago

0
396

 
Cilmi baadheyaasha adduunka oodhami waxay ogaadeen in cunista kalluunka oo si joogto ah – hal ama laba mar todobaadkii la isticmaalaa waxay yareyn kartaa halista cudurada laga bilaabo xiiqda carruurnimada kansarka qanjidhka .
 
Kalluunka waxa ku yar dufanka, waxaanu qani ku yahay omega 3 acids oo ah dufanka aan saamayn taban oo caafimaad lahayn .
 
Isticmaalka joogtada ah ee kalluunka wuxuu yareyn karaa khatarta cudurada kala duwan iyo xanuunno tiro badan. Natiijooyinka cilmi-baadheyaasha ayaa tilmaamaya inuu ka dawo yahay:
 
Xiiqda: Carruurta oo cuna kalluunka waxa laga yaabaa in ka yaraato khatarta xiiqdu.
Maskaxda iyo indhaha: Kalluunku wuxuu hodan ku yahay omega 3 acids oo ah dufan gacan ka gaysan kara inay caafimaad helaan unugyada maskaxda iyo xuubka ileyska (nudaha xasaasiga ah ee iftiinsha dusha sare ee isha).
Kansarka: Omega 3 acids dufanka loo yaqaano ee kalluunka laga helaa, waxa laga yaabaa inuu yareeyo halista noocyada kala duwan ee kansarka 30 ilaa 50 boqolkiiba, gaar ahaan ee saabka afka, hunguriga, mindhicirka, naasaha, ugxanta iyo qanjidhada.
Cudurka Wadnaha: Cunista kalluunka toddobaad kastaa waxay yaraysaa khatarta cudurrada wadnaha iyo faalliga, dhiig-karka, hagaajinta marinada dhiigga, hoos udhigida dufanka dhiigga
Waallida: dadka waayeelka ah ee kalluunka ama cuntad badda isticmaala ugu yaraan toddobaadkii hal mar laga yaabaa inay hoos u dhacdo halista cudurka waallidu inuu ku yimaadaa.
Murugada: Qofka oo si joogto ah u cuna kalluunka wax aka yaraada khatarta niyad-jabka
Macaanka: kalluunka caawin kara dadka qaba sonkorowga maamuli lahayd heerarka sonkorta dhiigooda.
Aragga: Ilmaha jaqa naaska hooyooyinka cuna kalluunka waxay ka caawisaa inuu wanaagsanaado araggiisu, taasoo ay keento dufanka loo yaqaan omega 3 acids.
Caabuqa: Isticmaalka kalluunka caadiga ahi waxa uu daaweyn u noqon karaa calaamadaha ay xanuunnada sababa caabuqa jidhk.
Dhicisnimada: Hooyada isticmaasha ama cunta kalluunka inta ay uurka leedahay waxay ka caawin kartaa in la yareeyo halista ah inay dhasho ilmo dhicis ah. haddii hooyada uurka lihi cunto todobaadkii 340 garaam oo kalluun ah waxay dareemaysaa wax badan oo caafimaad ah, gaar ahaan hab-dhiska maskaxda iyo dheefshiidka, taasoo ilmaha yar ee uurka ku jirana saamayn togan ku yeelanaysa.

Leave a Reply