Qoraa Abaal marin ay Heshay Qaybisay

0
409

Namwali Serpell oo ah qoraa u dhalatay Zambia oo deggan Mareykanka, ayaa ballan ku qaaday inay qeybineyso waxa ay kaga guuleysatay abaalmarinta Caine.
Waxay ka heshay qiimo dhan $15,600 sheekadeeda gaaban ee “The Sack”. Garsoorayaasha ayaa ku tilmaamay inay sheekadu tahay mid cusub oo qaabkeedu fiican yahay.
Serpell ayaa ka mid aheyd shan qoraa, oo magacoodu loo xulay abaalmarinta suugaanta Afrika.
Labo qoraa oo Koonfur Afrika iyo labo Nigerian ayaa ka mid ah dadka loo xulay magacooda abaalmarinta.
Sheekada “The Sack” ayaa ah mid ka hadleysa labo nin oo isla jecel hal gabadh, balsa midkoodna ma oga cidda ay jeceshahay gabadha.
 

Leave a Reply