Cuntada Badda Iyo Faa’iidooyinkeeda Guud

0
469

Cunitaanka cuntada baddu waxay ka caawisaa dadka ka hortga wadne xanuunka, faaligga, waxaanay hoos u dhigtaa dhiig-karka iyo xataa isku buuqa nafsiyeed.
Isticmaalka caadiga ah ee cuntada baddu waxay hoos u dhigtaa khatarta wadne in k badan 40%.
Cuntada waxa kooban tahay noocyada kala ah:
omega-3 fatty acids.
salmon
tuna
herring
trout
mackerel iyo
sardines
dhamaantood waxay qani ku yihiin dux caafimaad ahaan aadmiga u wanaagsan
dhamaan noocyada cuntada baddu waxay jidhka qofka u qaybiyaan barotiinno, waxaanay hoos u dhigaan subagga diiga. Waxa kale oo ay leeyihiin fiitamiin E,.
cuntada baddu waxay dadka ugu wanaagsan tahay oo ka ilaalisaa cudurka macaanka, waxaanay ka qayb qaadataa dhisidda lafaha jidhka, waxaanay cuntadaas sidoo kale hoos u dhigtaa khatarta cudurka xiiqda, gaar ahaan carruurta. Sidoo kale waxay hoos u dhigtaa cuntada baddu cudurada ku dhaca caloosha.
dadka qaar waxa looga baahan inaanay isticmaalin nooca cuntada badda ee loo yaqaan shellfish, sababtoo ah waxa aad ugu badan subagga raaca dhiiga, iyadoo dadka qaarna ay isticmaali karaan, gaar ahaan dadka da’da yar, waayo subagga ku jira cuntadu si toos uguma gudbo dhiigga. Sidoo kale waxa muhiim in qofku uu kaantaroolo isticmaalka guud ahaan cuntada subaggu ku badan yahay, gaar ahaan haddii aad macaan leedahay ama wadne xanuun.
dhinaca kale waxa jira noocyo cuntada badda ka mid ah sida libaax baddeedka waxa ku badan badan macdanta loo yaqaan mercury, birtan oo sababi karta in maskaxda iyo neerfisyada qofku ay waxyeelayso. Sidoo kale dumarka uurka leh iyo carruurta yar yar uma wanaagsanna noocan kalluun ee aynu kor kusoo sheegnay.
Khubaro dhinaca caafimaadka aad ugu xeel-dheer ayaa aaminsan in isticmaalka kalluunku uu ka hortago xanuunnada aan dawada lahayn ama maareyntoodu ay adag tahay. Sidoo kale daraasado badan oo laga sameeyay adduunka ayaa muujinaya waxtarka baaxadda leh ee kalluunka iyo saliiddiisaba.
Qofka bani’aadamka ahi wuxuu u baahan inuu helo cunto isu dheelitiran oo ay ku jiraan vitamiinska uu maalin kasta u baahan yahay. Qofka oo ay ku yaraadaan Vitamiins-ka qaarkood waxa yaraada difaaciisa jidheed, taasoo keenaysa inuu iska difaaci kari waayo xanuunada.
Vitamins-ka jidhka ayaa baahi u qaba mana shaqayn karo la’aantood. Vitamiinska waxa laga helaa cuntooyinka kala duwan, isla markaana uu ugu muhiimsan yahay kalluunku.
 

Leave a Reply