“Beertan Waxa Dadka Duuga Masaska” Maamulaha Beerta

0
466

Dad badan ayaa jecel in jidhkooda la duugo oo caado ka dhigtay iyagoo sheega inay ku nafisaan.  Dalka Filipin waxa ka jirta arrin dad badan cabsi ku abuurta , taasi oo ah in  masaska loo adeegsado inuu duugo qofka soo booqda beer ku ku taalla dalkaasi. Duugitaanka maska ayaa ah mid bilaash oo aan wax laca ah la weydiin qofka beerta soo booqda. Duugista Maska ayaa qaadata muddo 15 daqiiqo ah. Laakiin Masaska ayaa ah kuwo aan sun lahayn oo xajmigoodu aad u weyn yahay
Maamulaha beerta xayawaanka Mr.Geivani Romert  ayaa sheegay in adeesiga Masaska ee duugitaanka ay tahay mid ka mid nashaadka ugu weyn ee beerta loo yimaado, marka laga reebo daawashada xayawaanka jooga. Waxaana uu intaasi ku daray inay iyaguna arintaasi uga eedaan inay xoojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo xayawaanka.
Maamulaha ayaa sheegay in Masaskan oo aad u waaweyn ay ku quudiyaan ka hor duugitaanka 10 digaag ah afartii masba, si looga ilaaiyo inuu gaajadoodo oo hawsha duugista wadi kari waayo. Waxaana waajiba ah inay dadku ilaaliyaan qaynuunka beerta u yaala oo aanay ku xadgudbin masasaka wakhtiga duugitaanka, taasi oo keenaysa inuu isaguna cadhoodo oo hawshaasi joojiyo ama qaab kale isaga difaaco culayska qofku ku keenayo.
Dadka qaarkood ayay cabsi gashaa marka masku isku marmaro jidhkooda si uu u duugo, laakiin hadana waxa jira kuwo la qabsaday oo maalin kasta u imanaya duugitaanka Maska.
Qof dalxiise ah oo Masasku duugeen ayaa sheegay inay ahayd arrin uu aad uga helay waxaan uu yidhi : ” Maska ayaa jidhkayga oo dhan isku maray, marka madaxa laga reebo, waxaana uu samaynayay xadanto khafiif ah , runtiina waxay ahayd arrin raaxo leh”.
 

Leave a Reply