Khubaro Ruush Ah Oo Wasakhda Nuclear-ka Ka Samaysay Beytariy Nuclear Ah Markii Ugu Horeysay

0
388

Khubaro u dhalatay dalkaasi Ruushka ayaa markii ugu horeysay ka samaysay khashinka kasoo hadha nuclear-ka beytariy ,waxaana markii ugu horeysay la dhamaystiray  bishi April ilaa May ee sannadkii ina dhaafay , iyada oo sidoo kalena ay khubaradani  xashiishkaasi kasoo hadhay Nuclear-ka ay ka sameeyeen waxyaalo lagu Fertilize garayn karo ama lagu baacrimin karo Technology-ga.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda Serbia Technology ayaa ugu dambayn daaha ka rogtay inay hadda qaybihii ugu dambeeyey oo ay soo gebo gebaynayaan Beytariyo laga sameeyey xashiishkaasi kasoo hadhay suntaasi Nuclear-ka,kaas oo mari doona tijaabooyinkiisii ugu horeeyey.
Maamulaha mashruucan ayaa sheegay in ay u bixiyeen mashruucan Beta Rays oo loogu magac dari doono hadhow beytariyada soo bixi doona,kuwaas oo uu sheegay inay ka samaysan yihiin waxyaalaha loo yaqaano Nickel-63,kuwaas oo shaqayn doona sida uu sheegay ilaa 50 sanno oo jilasha soo socda ah.
Khubaradan Ruushka ah ayaa markii hore ku sameeyey mashruucan ,waxyaalo la khamiiriyey oo iyada lafteedu ka samaysnayd Suntaasi hadhaaga ah ee Nuclear-ka,taas oo ay is qaadan waayeen walxaha lagu daray  oo ahaa Nickel 62,taas oo keentay in markii dambe laga dhigo Nickel 63,taas oo awood u leh inay dabka hayso muddo dheer oo ka cumri dheer beytariyada caadiga ah.
Pyotra Gavrilov oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga Macdanta iyo Chemicals ka ayaa sheegay in dalkaasi Ruushku uu beytariygan waxyaalo badan kaga maarmi doono,gaar ahaana marka loo eego dhinaca ciidamada,waxaanu sheegay in Beytarigii ugu horeeyey ee laga sameeyo waxyaalo Nuclear ah ay jamhuuriyadda Ruushku soo saari doonto dhamaadka sannadka 2016 ka kuna beegan bilawga sannadka 2017.
Waxyaalaha uu ka samaysan yahay Beytarigani oo ah Nickel 63 ayaa aad uga yar waxyaalaha ay ka samaysan yihiin Beytariyada waqtigan la isticmaalaa,waxaanay sheegeen khubaradu inay ka yar tahay  30 jeer  walaxda loo yaqaano Lithium-ion oo ah walax ku jirta beytariyada caadiga ah ee waqtigan la isticmaalo.
Khubaradan ayaa sheegay in aanay degaanka waxba yeelayn walaxdan iyo beytariyga ay ka samaysan tahayba,iyaga oo sidoo kalena sheegay in aanay xataa dadka waxba yeelayn,taas oo waxyaalaha Radiation ka ah ee ay soo daynayso laftiisana iyadu dib u liqayso.
Khubarada ayaa sheegay in haddii ay beytariyadani suuqa soo galaan ay noqon doonaan kuwo qaali ah ,madaama oo waxyaalaha ay ka samaysan yihiin qaali yihiin,tusaale ahaan Nickel oo ah walaxda ay ka samaysan yihiin ayaa qiimeheedu yahay siday khubaradani sheegeen lacag dhan $4,000.
 

Leave a Reply