Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Bayaan Wada Jir Ah Oo Ay Xisbiyadda Mucaaridku Soo Saareen

0
392

Hargaysa (Dawan):- Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland  Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay axsaabta mucaaridka ah, kuwaasi oo sheegay in  aanay aqoonsanayn  xukuumadda talada haysa haddii aanu madaxweynuhu dhaqan gelin heshiiskii xisbiyadda  marka la gaadho 26 bishan July.
 
Afhayeenku waxa uu sheegay in  wakhtigan Somaliland dhaaftay in ay dhaawacaan ama ay wax yeelaan hadallo ay iska yidhaahdaan dad shaqsiyaad ah oo aan xilka qaranka loo igman.
 
Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay telefoonka ugu waramayay DAWAN, ayaa ku tilmaamay  dhawaaqa mucaaridka mid aan  waxba ka bedeli doonin go’aanka shacabka reer Somaliland ay ku dhisteen qaranimadoodda iyo dawladnimadooddaba.
 
Afhayeenka oo ka jawaabayay hadaladda mucaaridka, waxa uu yidhi  “Xisbiyadda mucaaridka ahi haddii ay maqif soo saaraan, waxaa ka weyn  mawqifka qaranka Somaliland. cid qarankani shaashaysa iyo qofaf hadlaana qaranka  waxba yeeli maayaan. Maanta qaranka Somaliland maalin ay qofaf  hadlaa wax yeeli karaan wuu dhaafay. Qaranimadda Somaliland waxaa ilaashanaya shacabka Somaliland, waxaana uga wakiil ah xukuumadda manta joogta, ee uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadaa waajibaad u haysata, iyadaa midnimadda ummadda ilaalinaysa, iyadaa nabadgeliyadda iyo jiritaanka qaranka ilaalinaysa, oo ka wakil ah”.
Waxa kale oo uu sheegay in  umadda Somaliland ay leedahay aragti midaysa, taasi oo ah ta ay xukuumadda talladda haysaa ku hogaaminayso shacabkeedda doortay ee u igmaday in ay hagto. Waxaanu yidhi  “Markaa cid aan xilba loo igman, oo aanay ummaddu xil ku ogayn, ashkhaas kooban erayo ay yidhaahdaan,  ama mucaarid ha noqdaan, ama  acid kale oo mucaaridk isku sheeg ahi ha yidhaahdaane, qarankani waxba ka qaadi maayaan. Somaliland aragti ayay leedahay, aragtidaasi ay xukuumadu ku hogaaminaysaana waxa weeyi,   dalkani in uu nabad noqdo, jiritaankiisa iyo rabitaanka ummaduna in uu meel maro, in shacabka Somaliland meel kastaba ha joogaane, erayga qaranimadda sharaftiisa iyo sumcadiisa iyo qaranimadiisa waxaa ilaaliya, xukuumadda loo igmaday.”
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Laakiin waxaa  la yaab leh, in mar walba xisbiyadda mucaaridku ay ku dhawaaqaan erayo qef  ku ah, sharafta iyo karaamadda qaranka, oo meel ka dhac ku ah in ay mar walba sheegaan. Markaa tan ay imika leeyihiin xukuumadda waxaanu u qabanay wakhti, horta iyagu xukuumadda wakhti uma qaban karaan, awood ay ugu qabtaana ma leh, cid ku o goo iyaga awlahaas u dooratayna ma jirto, markaa waxaanu leenahay ha is dedejinina.”
 
 
Afhayeenku, mar uu ka hadlayay arrinta ay inta badan mucaaridku sida aadka ah ugu celceliyaan ee ay beesha caalamka ugu baaqaan in ay soo dhex gasho, ayaa hadaladaasi ku tilmaamay kuwo qef ah.
Waxaanu  yidhi “Taasi horta waa gef, oo caalamkow na soo farro-geliya waa gef, umaddani caalamku waxa uu ka taageeraa wixii ay uga baahdaan,  laakiin taladeedda iyo meel marinteeduba shacabka Somaliland ayay gacanta ugu jirtaa,  caalamka waxaanu isku leenahay ixtiraab, waxaanu isku leenahay qadarin, laakiin ama beesha caalamka ama cid kale, ama dawlado kale, ama hay’ado kale,  midnaba shaqo kuma laha, oo masiirka Shacabka Somaliland kama tallin karaan.
Masiirkeedda ummaddani iyadaa  leh, sida ay umad kasta oo dunidda ku nooliba xaq ugu leedahay, in qaranka dastuurkiisu gaar ugu yahay, go’aankoodu uu gaar ugu yahay, ayuu  shacabka reer Somaliland-na gaar ugu yahay  waxa ay go’aan sadeen. Caalamku hana soo farro-geliyana, waxaan u arkaa in ay tahay gef, iyo inaga laf ahaanteena in himiladeedda la caayayo.”
 
 
Dhinaca kale afhayeen dhuxul, waxa   uu sheegay  in doorshadii shacabka Somaliland ay madaxweyne Siilaanyo ku doorteen ay u tahay fursad, maadaama oo xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay waxqabad aad u badan samaysay mudadda ay xilka haysay.
Isagoo shacabkana u soo jeediyay in aanay dheg u dhigin hadaladda  deel-qaafka ah ee ka soo yeedhaya shaqsiyaad uu ku tilmaamay in aanay u tudhaynin shacabka.
“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay, dhegaha ha u raaricinina hadaladaasi gefafka ah ee ka  soo yeedhaya kuwa aan u tudhaynin shacabka reer Somaliland. Shacabka Somaliland waxay doorteen,  oo ay masiirkooda asiibeen, markii ay doorteen Siilaanyo, doorashadii madaxweyne Siilaanyo waxay u ahayd shacabka Somaliland fursad  u siisay in uu haybada  qaranku kor u kaco.
Waayo Somaliland imika waxay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan, waana la og yahay shantaa sanadood, talaabooyinka dhaxal galaka ah, ee qarankani u qabsoomay, haddii ay tahay caafimaadka, haddii ay tahay waxbarasahdda, haddii ay wadooyinka tahay, haddii ay dhismeyaasha hay’adaha dawladda tahay, haddii ay siyaasadda dibadda tahay,   halka ay caalamka ka gaadhsiisay, dhinac walba marka qaranka laga eego, wax kasta oo manta dalkani ka socda marka la fiiriyo, waa xaqiiq in dawladani ay maalin walba talaabo hore u sii qaadayso.
Markaa waxaan leeyahay, hanka iyo hamadda umadda ha jabinina, umaddana tash-wiish ha gelinina, loom baahna tash-wiish. Qarankani uma baahna tash-wiish, ee wuxuu u baahan yahay wax-qabad iyo horumar” ayuu yidhi md. Dhuxul.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply