Xukuumadaha dunida ayay mid kasta samaysa bandhigyo kala duwan oo ay ku soo jiidato dalxiisayaasha, gaar ahaan dalalka dhaqaaalaha fiican ka hela dalxiiska.
Dawladda Nepal ayaa qabata tartan kubbada cagta ee Maroodiga, kaasi oo socda muddo 3 maalmood oo xidhiidh ah. Dhinaca kalena dawladda ayaa arrintan ka lahayd inay dadkeeda wacyi gelin uga dhigto inay dadku ahmiyad siiyan kaymaha iyo ilaalinta xayawaanada ku nool.
Maroodiyaasha ayaa la qurxiyaa , dhinac kasta, isla marakaana uu noqdo mid awood u leh ka qaybgalka tartanka. Tartankan waxa kale oo ku jira tartanka beratanka Maroodiga oo ah orod qaata 1300 Mitir. Waxaana sanadki ka soo qayb gala dad tiradooda lagu qiyaasay 60 kun oo dalxiisayaal ah.