Taliye Fadal Oo Kormeeray Sida Ciidanka Boolisku u Sugayaan Ammaanka Suuqa Hargeysa

0
413

Hargeysa (Dawan) –  Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay kormeer ku sameeyay hanaanka ay ciidanku u sugayaan amaanka suuqayada caasimada Hargeysa oo ay shacbigu  ugu diyaar garoobayaan munaasibadda Ciidul fidriga.
Taliye Cabdilaahi Fadal oo warbaahinta la hadlay waxa kale oo sheegay in wakhtiyada ciida ay ciidanka Booliska heegan ka galaan gobollada dalka si ay u sugaan nabaddgelyada.
“Sidaad la socotaan bishii barkaysnayad ee Ramadaan ayaa gabo-gabo ah, waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan Ummadda islaamka ah gaar ahaan shacbiga  reer Somaliland, waxa kale oo aan si gaar ah u salaamayaa ciidanka Booliska oo wakhtiyadan oo kale gala hawlo adag. Ciidanka Booliska oo ee suuqa weyn ee Hargeysa ku jira  ayaan kormeernay  aniga iyo saraakiisha ila socotay oo maalinba maalinka ka dambaysa ayaa marka ciiduhu ay soo dhaw yihiin suuqyadu cidhiidhi iyo mashquul noqdaan,” Ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeto guuto Cabdilaahi Fadal
Waxaanu intaas ku daray  “Ciidanka Booliska qaybihiisa kala duwan ee caasimada iyo dhammaan gobolladu waxay galaan heegan iyo gaaf wareeg iyo ilaalinta dadka ciidaha u diyaargaroobaya, markaa hawlahayagii caadiga ahaa ayaanu qabsanaynay, ILAAHAYNA waxaan innooga rajaynayaa guul weyn inuu innagu gaadhsiiyo ciida iyo nabad qab.” Ayuu yidhi sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal  Iimaan.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply