Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn QEYBTA 19AAD,

0
428

Dunida cusub ee casriga ee la jaan-qaaday tiknooljiyada cusub ee sida degdegga badan ugu fiday caalamka daafihiisa kala duwan,  ayaa waxa haatan soo wajahay dhibaatooyin fara badan oo  durba taako ku noqday adeegga tiknoolajiyada cusub, taasoo lagu kala xado siraha ama lagu khalkhaliyo hannaankii shaqo ee mobile-ka, iyadoo loo adeegsanayo fayrasyo burburinaya ama masaxaya habkii shaqo ee kombuyuutar-ka.
Waxa si isdaba jooga ay haatan wershadaha soo saara telefoonnadu ugu iib geeyaan seyladaha adduunka  telefoono  ka casrisan kuwii hore  u jiray oo xambaarsan “software” cusub oo ka duwan kana awood iyo adeeg badan kuwii hore u jiray.
Waqtigan aan joogno ee 2015ka, waxa dagaal ugu weyn ee ka dhex socday  quwadaha ugu cududda roon adduunka uu yahay kan tiknoolajiyada cusub ee dhinaca isgaadhsiinta.
Waxa aynu inta badan ka maqalnaa warbaahinta iyadoo midba ka kale ku eedaynayo inuu faragelin xagga isgaadhsiinta ku hayo dal hebel, taasoo sababta inuu muddo xaddidan midba ka kale hawada ka saaro isagoo u adeegsanaya tiknoolajiyad ka casrisan tiisa ama farsamooyin kale u adeegsada. Waxa arrintani ay ku dhacday oo ugu dambeeyay tii uu Mareykanku ku sameeyay Kuuriyada waqooyi ee uu dunida kale xidhiidkeeda xagga isgaadhsiinta kaga jaray, ka dib  markuu fayrasyo uu   ku khalkhaliyo u adeegsaday isgaadhsiintii dalkaasi.
Haddaba, sidoo kale waxa haatan durba ka bilaabantay dunida u tartamaysa ku kala horumarka tiknoolajiyada casriga, inay “Mobile-da” u soo sameeyaan kambaniyada qaarkood wax kala dagaalama moobillada cusub ee ay soo saareen kharubaada ama waxyeelooyinka kale ee ay la beegsan karaan kambaniyada tartanku ka dhaxeeyo, waxana ka mida (antivuses, malware iwm) kuwaas oo imikaba la keenay suuqyada wax lagu kala iibsado meelo ka mida caalamka.
Tallaabooyinkan cusub waxa ku kelifaya inay soo saaraan shirkadaha telefoonada casriga soo saaray, ka dib markii ay arkeen iyadoo loo adeegsanayo telefoonada gacanta dhinaca isku gudbinta lacagta iyo xaga ganacsigaba.
Ujeeddada laga leeyahay soo saarista “antivirus-yadan” waxay tahay si loogu shubo telefoonnada gacanta oo ay uga hortagaan ama uga ilaaliyaan (to protect) wax allaale wixii fayrasyo ah ee khalkhalin kara sida adeegga e-money, M-pesa iyo kuwa kale oo aad u tira badan oo ah kuwa haatan laga cabsi qabo inay meesha ka saaraan kaalintii ay lahaayeen baananku, maadaama  lacagta layskugu gudbiyo telefoonka gacantu aanu waqtiga ay qaadanayaan waxba ka duwanayn waqtigu, sida ka laba qof ee is hortaaagan oo isku dhiibaya lacag, isla amrkaana kala tirsanaya, halka Baananku maalin iyo wax ka badan ku qaadan jirtay.
(Hadda waa kuwa ku shaqeeya xeerarka loo dejiyay ee leh damaanda), ee ka duwan kuweena bilaa xeerka iyo damaanad toona lahayn.
Dadaalkaas oo dhan waxa ay shirkadaha ka shaqeysta isgaadhsiintu u samaynayaan in aanu marnaba khalkhal ama xannibaad kale oo uga iman kara fayrasyo cid kale u adeegsatay ku yimaadaan ama haleelaan isticmaalka “Mobile money”, ai iskaga caabiyaan, haddii ay ku dhacdo, taasoo ku keeni karta khasaare xoog leh muddada yar ee kharbudaado galaan Mobile money-ga, waayo macaamiishooda wixii khasaare ah ee ka soo gaadha ganacsigooda muddada iyada ah, iyaga ayaa shirkaduhu qaba.
Bal haddaba reer Somaliland, maanta adeegga “Zaad-ka” sicir-bararka iyo dhaqaale burburka uu inagu hayo kasakow, bal dadku marna ma isweydiiyeen cidda ay u raacayaan lacagtooda haddii isgaadhsiinta loo adeegsado Zaad-ka cillad farsamo ku timaado. Waxan filayaa in dhamaan dadka leh adeeggan ee ka furtay shirkadda xisaab socodka isgaadhsiinta ee “Telesom” oo ah tan ugu baaxadda u weyn ee ka shaqeysata dalka  adeegga Zaad, in aanay jirin wax ay u raaci karaan, sidaa darteed waxan shaki lahayn inay la mid tahay  lacagta khamaarka ee loo yaqaan “laundary money”.
Sicir-bararka uu Zaad leeyahay waxan innagaga filan farrimaha khasabka ay innagaga dhigtay shirkadda Telesom ee ay ugu dembaysat tii xalay fiidkii ay inoo soo wada direen ee odhanaysa “Zaad service wuxu kuugu bushaaraynayaa in xaqal-ciidka dibedda lagaga soo dirayaa uu si toos ah kuugu soo dhacayo Zaad-kaaga, fadlan la socodsii ehelkaagii dibedda ku maqan oo Zaad-kaaga ku hel xawaaladdaada goor kasta iyo goob kasta
 
LA SOCO………………………..

Leave a Reply