Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Sulux ku Dhammaystaan Kiisaska Madaniga ah

0
491

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa shacabka ugu baaqay in kiisaska muddada dheer soo jiitamaayey ee madaniga ah ay sulux iyo is-afgarad ku dhammaystaan  si maxkamadahana iyo garsoorka  culayska dacwaduhu uga yaraado, isla markaana ay meesha uga baxaan dilalkii iyo iska hor imaadka ka dhasha  fulinta dacwadaha la xukumo.
 
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo kula hadlay warbaahinta xafiiskiisa shalay, ayaa sheegay in kiisas badan oo madani ah uu muddadii uu joogay lagu dhammeeyey is-afgarad, dhinacyadii is khilaafsanaana ay ku qanceen.
Garsoore Aadan Xaaji Cali, waxa uu caddeeyey in ay jiraan kiisas jiilashii bilaabay geeriyoodeen,dadkii ka sii dhaxlayna ay sariiryaal yihiin, haddana ay gacanta ku hayaan dad aan xogba hayn oo aan fahansanayn meel wax marayaan.
“Waxaan maanta (shalay) saxaafadda ugu yeedhay inaan sheego inay muuqato in dadkeennii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 Sanno, 16 Sanno, 18 Sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo? Madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo, waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aannu Kiisaskaas u xallinay in lagu fakaro.    Waxa yaab leh oo aan idiin sheegayaa, dacwado Maxakamadda sare ku jira amma maxakamaddaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa Jiilkii is haystay ee Dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, Jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwada sii amba qaaday ay sariir yaal yihiin ama ay dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayay ba aan garanayna ay hadda wadaa,”  ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay in waajibaadka maxkamadaha saaran yahay in ay sharciga ku tagnadaan, xaqana sugaan, caddaaladdana racaab.
 
Geesta kale, Maxkamadda Sare waxa ay guddi u saartay kiiskii ugu horreeyey ee lagu xaliyo sulux, kaasoo in muddo 3 sannadood ah ka socday Maxkamadda, iyadoo dhinacyadii isku hayey ay ku qanceen go’aamadii guddida dhexdhexaadintu soo saartay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Adan Xaaji Cali, ayaa tilmaamay in guddidan xal ka soo saartay kiiskaas, kadibna dhinacyadii ku qanceen, waxaannu u mahadceliyey dhinacyii muranka sharci ka dhaxeeyey ee suluxa isku af gartay, waxaannu yidhi; “Kiiskan wuxuu ku soo afjarmay ogolaansho ay labada dhinac ogolaadeen in dad odayaal ah oo labada dhinac ku kalsoon yihiin ay xalkeeda galaan, maxkamadduna rag odayaal ah bay u dirtay hawshaas, dibadaanay ku soo dhammeeyeen, heshiiskiina maxkamada ayey  keenen oo kiiskii waa la oodaya maanta.”
Guddoomiyaha Guddida Caddaaladdu waxa uu xusay in kiisas 7 ah oo sidan oo kale ah ay dhinacyadu ogolaadeen in arrinkooda ay dibada ku soo xashadaan, maxkamadduna guddi ay ku kalsoon yihiin u saartay.
 
 
 
Cabdi  Yuusuf Aar oo ka mid ah guddida kiiskan dhexdhexaadinaysay, ayaa sheegay in labada dhinac ee guriga isku haystay, muddada dheerna kiiskoodu maxkamadda ku jiray ay ka aqbaleen dhex dhexaadintii, lana soo afjaray khilaafkoodii.
Sidoo kale, Cabdi Yuusuf Aar waxa Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ugu mahadceliyey fikirka cusub ee lagu xalinaayo kiisaska muddada dheeraaday, maxkamadaha culayska dacwadaha lagaga fududaynaayo, waxaannu bulshada ugu baaqay in ay garab istagaan, kalana shaqeeyaan sugida caddaaladda.
Xildhibaan Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo laf ahaantiisu guddidan ka qayb ahaa, ayaa ka warramay faa’iidada iyo ajarka laga helaayo in wanaag lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada is haya ee khilaafku ka dhaxeeyo, isagoo tilmaamay in suluxu keeno in qofku xaq uu leeyahay uu ka tanaasulo, ajar badana xagga Ilaahay kaga helo.
Sidoo kale, dhinacyada isku hayey guriga ee guddiga loo saaray oo kala ahaa Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed iyo Cali Bootaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey nidaamka lagu dhexdhexaadiyey, iyagoo shacabkana ugu baaqay in ay wixii  khilaafaad ah ee ay xalin karaan ay dibada ku xashadaan si garsoorka culaysku uga yaraado.
Intaa kadib, waxa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo guddida loo saaray xalinta kiiskan ay tegeen guriga la isku hayey oo ku yaal ka soo horjeedka hudheelka Safaar ee degmada Ibraahim ee magaalada Hargeysa, iyadoo furihii lagu wareejiyey dhinac ka mid ah, halka qadar lacag ahna la siiyey dhinacii kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply