“Waxaan Caddaynayaa Inaanu Jirin Shir-qarameed Sharcigu Jideeyay Oo Dalka Laga Qaban Karaa” Wasiirka Daakhiliga

0
416

Hargaysa (Dawan): Wasiirka  Arrimaha  gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde,  ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaridka ah inay carqaladaynayaan heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran,  ee ku  saabsanaa  wakhtiga dalka  la qabanayo  doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda.
Waxaanu  sheegay in aan  dalka laga qaban  karin  shir beeleedkii ay dhawaan iclaamiyeen   labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, isagoo   tilmaamay  wasiirku  in Somaliland  ay ka soo gudubtay shirar beeleedyo, isla markaana aanay  baahi loo qabo in dalka laga qabto shirir beeleedyo.
 
Wasiirka Daakhiliga  oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa  ayaa ka waramay sidii uu ku yimid sheshiiskii ay axsaabta iyo xukuumaddu kala saxexdeen bishii May ee sanadkani iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.
“Waxa aad la socotaan in saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ku heshiiyeen habkii loo qaban lahaa doorashooyinka kadib markii gudidda doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay suurto-gal ahayn in doorashaddu ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay,  oo ahaa 26 bisha June ee sanadkan  2015 oo aynu soo dhaafnay.  Arrintaa  waxa ka dhashay shir balaadhan,  waxaana la kala saxeexday heshiis saddexda xisbi qaran ay isla qaateen oo ay  xukuumaduna goob jooga ka ahayd,  waxaana  lagu heshiiyay in la ixtiraamo  go’aankii golaha Guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha Wakiiladda.
 
Sidaa  ay ugu kordhiyeena ay  sharci tahay,  ayaa lagu heshiiyay oo aan hayaa,  saxeexii saddexda guddoomiye xisbi qaran iyagoo ku heshiiyay in qodobkaasi yahay mid dastuuri ah,  oo sax ah. Qodobka  labaad wuxuu dhigayay oo ay saxeexeen in doorashooyinka madaxtooyadda  iyo golaha Wakiiladda ay qabsoomaan bisha December  ee sanadka  2016 dhexdeeda,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Waxaan  maqlaynay in axsaabta mucaaradku shaki ka muujiyeen heshiiskaasi  iyo arrin aanu u aragnay in ay jabiyeen heshiiskii ay galeen,  oo ahaa muddo xileedka ay guurtidu kordhisay inuu sharci yahay lana ixtiraamayo,  in ay   yidhaahdeen marka la gaadho  27 bishan July    in aanay  waxba ka jirin wixii ay heshiiska ku galeen xisbiyadda mucaaridku.  Heshiiskaasina  waxa uu ahaa in la sharciyeeyo, kaasi   oo ahaa heshiis siyaasadeed  maadaama oo aynu hayno saxeexii iyo ogolaanshihii guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka.  Waxaan   is-waydiinayaa waa ayo cidda  ku  kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaridka in ay si badheedha uga noqdaan heshiiskaasi,  iyagoo leh 27 bisha July   wax lagu heshiiyay ma jiro. Waxa kale oo been abuur laga sameeyay in dawladu ka baxday heshiiskii ay axsaabta la  gashay,  waxaan  leeyahay waxba kama jiraan.”
Wasiirku mar uu ka hadlayay shirka beeleed ay xisbiyadda mucaaridku ku baaqeen, waxa uu yidhi “Waxaan  jeclahay  in aan cadeeyo haddii  aynu  nahay umadda reer Somaliland hal mar ayaan qabsanay wax la yidhaahdo shir-qarameed,  waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Boorama ee lagu soo dhisay dawlada Somaliland. Shirkaasina waxa uu dhalay dawlad dhisan  oo nidaamka sharciga ah leh,  oo dalkan taladeedii mas’uul ka ah   qaranimada Somaliland. Waxaanan cadaynayaa in aanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay  oo dalkan laga qaban karo.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply