Guddoomiye Cirro Oo Ku Tagri-falay Kharashaadkii Xaqul Ciidka Shaqaalaha Golaha Wakiiladda

0
450

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha  golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro),   ahna guddoomiyaha xisbiga  mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa  la sheegay in uu ku tagri falay lacag xaqul ciid ah oo shaqaalaha golahaasi la siin jiray.
 
Waxaana la sheegay in C/Raxmaan Cirro   uu  lacagtaasi uga faa’iidaystay, kuna maalgeliyay  olole siyaasadeed oo uu xisbigiisa ku soo noolaynayo.
 
Shaqaalaha golaha ayaa lagu war-geliyay in sannadkani  aan la siinaynin lacag yar oo xaqul ciid ah,  taasi oo sida shaqaaluhu sheegeen markii hore  la siin jiray sannad walba marka ay dhamaato bisha Ramadaan.  Waxaanay sheegeen in ay  aad uga xumaadeen arrintaasi.
Sida  ay DAWAN u xaqiijiyeen   xubno ka mid ah shaqaalaha golaha  oo  ka gaabsaday in magacyadoodda  la shaaciyo.  Waxaanay  sheegeen inay  ka xun yihiin inay waayaan lacagtii xaqul  Ciidka ahayd oo sidii caadadda ahayd sanad kasta la siin jiray xliyadda la gaadho ciidaha.
 
“Waxaanu ka xun nahay in bishan Ramadaan lacagtii yarayd  ee  nala siin jiray,  oo xaqul ciid ahayd in lanoo sheegay in aan nala siinaynin.   Iyadoo  la sheegay in wax lacag ahi aanay ku jirin bog xisaabeedka Golaha” sidaas waxa   yidhi mid ka mid ah shaqaalahaasi oo aanu  xalay wax ka waydiinay  waxa  ka  jira arrintani.
 
“Waxaanu warbaahinta ka maqalnaa  guddoomiyahayaga oo maalin walba lacag kharash garaynaya,  oo leh waxaan afuriyay dad masaakiin iyo danyar iskugu jira, annaguna waxaanu nahay bilaa xaqul ciid oo carruurta ayaanu wax ugu iibin jirnay lacagtan xaqul ciidka ah. Balse arrintaasi waanu ka xun nahay waxaanan leenahay murtidii ahayd ninka dibbiga qalayee, ka dhergay casuumee, dibjirkiinna qadiyoow duco kuuma soo hoyan,”ayuu intaasi ku daray mid ka mid ah shaqaalle hoosaadka Golaha Wakiiladda ee Somaliland oo ka cabanayay falkaasi uu kula kacay guddoomiye Cirro.
 
 
Geesta kalena xogo wargeyska DAWAN ka helay illo xog ogaal ah, ayaa  daboolka ka qaaday in Guddoomiyaha Wakiiladdu uu bilihii la soo dhaafay   caseeyay kharashaadka dheeraadka ah ee loogu tallo-galay in lagu socod siiyo hawlaha aqalka Wakiiladda.
 
Isagoo u  adeegsanaya Xoghayaha Guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanlle,  oo ka mid ah Gacan-yareyaasha xisbiga WADDANI.  Waxaana la sheegay in C/raxmaan Cirro uu lacagtaasi   ku galay  olole lagu Dabbarayo hawlaha xisbigaasi,  oo ishiisa dhaqaale ee ugu weyni  ay tahay miisaaniyad sannadeedka  golaha Wakiiladda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply