Is-badelka Goobaha Ganacsiga Caanaha Ee Magaalada Hargeysa

0
643

Ganacsatada caanha ku iibiya magaalada  Hargeysa ayaa qaarkood horumar ka sameeyay nadaafada caahaha ay iibinayaa kuwaasi oo isbadal ku sameeyay weelashii hore caanaha ay uga iibin jireen sida caagadaha iyo dusuudii ay caanaha ku iibin jireen ay ku badaleen dusuud Alamuniyam ah iyo joogag caanaha loo keeno. Sidoo kale waxa jira ganacsato xoolo u dhaqdey ganacsiga caanaha iyagoo Gee lama Lo u dhaqay si ay caanaha ka xoolahaasi ay uga iibiyaan dadwaynaha.
Xassan Maxamed Maxamuud, waxa uu caano ku iibiyaa badhtamaha magaalada Hareysa, wuxuu isbadal ku sameeyay guud ahaan ganacsigii caanaha islamarkaana nadaafadooda kor u  qaadey isagoo timaamay in iibkii caanaha kobcay oo macaamiishu koradhey  waxaanu yidhi, “isbadal ayaan ku sameeyay ganacsigii caanaha mudo lix bilood ka hor, runtii kobac ayaa kuyimid ganacsigaygii caanaha oo macaamiil badan ayaa igu soo xidhan intay, maamlinkaa waxaa iibiyaa ilaa konton litir (50 ltr) oo caano geela, waxaanan litirkii siiyaa todoba kun oo shilin Somaliland ah (7000 Sh/s), laba kun ayaanu dheernahay xagga qiimaha ganacsatada kale ee magaalada oo ah nadaafada caanaha ee aanu sare u qaaadnay.
Xassan Maxamed Maxamuud, waxaa uu sheegay in caanaha uu iibiyaa laga soo liso geel lagu dhaqo degaanka Xaabaale ee duleedka magaalada Hargeysa, “caanaha aan iibiyo waxa laga keenaa degaanka Xaabaale ee dhaca koonfurta magaalada Hargeysa, waa caano lisa oo saafiya nadaafadoodana aan illaaliyay dad badan oo macaamiishayda ah dhadhankooda jeclaystaan”. Ayuu yidhi caanoole Xassan Maxamed Maxamuud, waxaanu intaasi ku daray “Illaahay mahadii ganacsigayga caanaha geela wuu isbixyaa”.
Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magaalada Hargeysa ka furay 25/11/2013 mashruuca horumarinta iyo tayaynta caanaha Somaliland, oo ay ku baxayso aduun dhan $ 4, 400,000 milyan dolar, oo ay bixinayso hayada EUda. Mashruuca horumarinta iyo tayaynta caanaha Somaliland, oo ah mashaaric silsilada caanaha lagu daryeelayo ilaa halka laga soo saarayo, islamarkaana laga guurayo caagadihii ama jirikaamadii caanaha lagu keeni jiray lagu badalayo jeegag maadaama caagadaha caafimaad ahaan aanay u wanagsanay isticmaalkooda caafimaadka, ayaan wax ka waydiinay inay ka faa’iidaysteen mashruuca horumarinta iyo tayaynta caanaha Somaliland, iyo in kale, Waxaanu ku jawaabay “maya mashruuca horumarinta iyo tayaynta caanaha Somaliland, waanu maqalnaa laakiin wax horumar ah oo ku sabsan ganacsiga caanaha wali kama hayno laakiin waanu rajeynaynaa inuu na soo gaadho Insha Allaah dhawaan, laakiin horumarkan hadeer aanu ku samaynay ganacsiga caanaha waa mid anaga aanu samaynay maadaama caanuhu yihiin kuwo qoyan oo u baahan in nadaafadooda aad loo illlaaliyo”.
Wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay dalka ka mabnuucday isticmaalka caagadaha loo isticlaamo caanaha ee caanalaydu ku keenaan caanaha, balse arrimtaasi ayaa waxbadan oo lataaban karo aanay ka hirgalin. Goobaha ganacsiga caanaha ee caasimada Hargeysa  ee lagu iibiyo caanaha ayaa intooda badan aanay waxba iska badalin marka loo eego goobaha faro kutiriska ah ee iyagu isbadalka ku sameeyay qalabka ama weelka ay caanaha ku gadaan islamarkaana ka guuray caagaha isticmaalkooda la joojiyay.
 

Leave a Reply