Hargeysa(Dawan): Marwada koobaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamuud Jirde, ayaa shalay agab kala duwan oo caawimooyin ah guddoonsiisay carruurta ku jirta xarunta agoomaha ah ee magaaladda Gabiley.
Deeqdani ay Marwo Aamina-weris gudoonsiisay xarunta Agoomaha Gabiley Marwada ayaa isugu jirta xoolo nool, Raashin, Sharaab, Buskud iyo agab kala duwan, waxaanay marwadu caawimadaasi ku wareejisay guddoomiyaha xaruntaasi Safiya Aw Aadan Meecaad.
Guddoomiyaha xarunta Agoomaha Gabiley Safiya Aw Aadan Meecaad, ayaa marwadda warbixin ka siisay xaaladda guud ee xauntaaasi iyo sida ay tahay nolosha carruurta ku jirta.
Waxaanay Safiya Aw Aadan, uga mahad celisay marwadda koowaad deeqdani ay soo gaadhsiisay xarunta agoomaha. Waxaanay tilmaantay in marwadda koowaad ay marwalba ka si aad ah uga warhayso carruurta aan waalidkood noolayn eek u jira guud ahaanba xarumaha dalka gaar ahaana kuwa magaaladda Gabiley.
Munaasibadaasi ay marwadda koowaad deeqda ku gudoonsiinaysay carruurta agoonta ah oo lagu qabtay isla xaruntaasi ayaa wax aka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, badhasaabka gobolka, badhasaabka ku xigeenka, agaasimaha xarunta agoomaha ee gabiley, salaadiin, cuqaal, ganacsato iyo dadweyne kale.
Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, oo hadal ka jeedisay munaasibadii ay caawiamdaasi ugu deeqaysay Carruurta Agoonta ah, ayaa tilmaantay sida ay ugu faraxsan tahay in ay u timaado soona eegto xaruntaasi iyo carruurta ku jirtaba xaaladoodda nololeed.
Waxaanay si aad ah ugu mahad naqday guddoomiyaha xaruntaasi Agoomaha Safiya Aw Aadan Meecaad iyo xubnaha la shaqeeya sida wanaagsan uga shaqeeyaan xarunta iyo sidoo kale maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gabiley oo ay sheegtay Marwadu in ay gacan weyn ka geystaan daryeelka ilaalinta dhinaca dhaqaalaha carruurta Agoonta ah ee lagu xanaaneeyo.
Aamina-weris, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Sharaf weyn ayay ii tahay in aan maanta (shalay) halkan imaado, oo aan guud ahaan gobolka Gabiley imaado. Had iyo jeer waan ku farxaa waayo Gabiley waa gobolkaygii, waa gobol muhiim ah, oo sidii hore loo sheegay jamhuuriyadda Somaliland baal Dahab ah kaga jira. waa gobol dawladannina ay si khaas ah u tix-geliso, una ixtiraamto abaal badana ugu hayso.
Hawshan halkani ay ka hayaan Safiya iyo kooxdan la shaqaysaa waanu u mahad celinaynaa, si fiican bay u hayaan Carruurtani yar yar ee waalidkood ILLAHAY ka qaaday. masuuliyadu keligood ma saarna ee kuligeen ayay inaga wada saran tahay Agoomaheena iyo danyarteena, kuwii garta in aan wixii aan u tari karno u tarnaa ILLAAHAY ha inaga dhigo”.
Waxaanay intaasi ku dartay “Safiya iyo kooxda la shaqaysa ilaa badhasaabka ilaa dawlada hoose Maayarka, maayir ku xigeenka, Ciidamada amniga ee la shaqeeya had iyo jeerna garab taagan waan u mahad celinaynaa. ILLAAHAY ha idinka jasaa’i siiyo hawshaa aad haysaan, oo miisaanka xasanaadka ha idiinku darro ayaan idin leenahay.
Dalkeena isku duubnida ayaynu wax ku nahay, danytarteena u naxariisashadoodda ayaynu mid ku nahay, annagu markaanu Hargaysa joogno waa laga yaabaa goboladda shishe in aanaan gaadhin, oo sidaa aanay Cagtu ugu badnayn. Laakiin qalbigayaga marnaba kama maqna hay’addo badan oo samo-falka, dawlaha hoose ee halkaa joogaa wixii ay gaadhsiin karaan agoomuhu meel ay joogaan-ba way gaadhsiiyaan.
Laakiin kolayba annagu intii aanu gaadhi karno, intii aanu wax u tari karno iyo sidii aanu wax ugu heli karnaba, waa waajib ina saaran oo aan cidi inaga baryaynin. ILLAAHAY ha inoo fududeeyo, dalkeenana ILLAAHAY ha inoo barakeeyo, nabad geliyadeenana ILLAAHAY ha inoo adkeeyo” ayay tidhi Aamina Sheekh Maxamed Jirde.
Sidoo kale Aamina-weris, waxay ka warantay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo dhamaanba dadka taagta daran ee bulshadeena ka midka ah, gaar ahaana carruurta agoomaha ah eek u jira xarumaha kala duwan ee dalka. Waxaanay tilmaantay in ay ka xukuumad ahaan markastaba diyaar u yihiin caawinta Agoomaha, isla markaana ay gaadhsiiyaan xarumaha kala duwan ee dalka ee ay carruurta agoomaha ahi ku jiraan hadba wixii ay u heli karaan.
Marwadda koowaad, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin intiina halkan manta (shalay) isugu timid, ee nagala soo qayb gashay farxada iyo salaanta aanu ugu nimid maalintan Barakaysan ee 27-kii bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ah, ee aanu Carruurta ku soo salaanay, ee aanu ugu nimid dhiiri gelin yar iyo in aanu nidhaahno waanu idinla soconaa, waanu idin og-nahay in aad joogtaan, waanu idiin maqanahay, hayaraato ama ha badnaatee, wixii awoodu marwalba ay noqoto, haddii ay dawlada hoose tahay iyo haddii ay dawlada dhexe tahay iyo haddii ay shacbiga reer Somaliland wixii sadaqad la baxaya ay tahay-ba, wixii la idiin heli karo la idinkama hagranaayo, waanu og-nahay in aad wax badan u baahan tihiin, inshaa ALLAAH, bi’idmi-laahi Kariim sidii loo dabooli karo, ee awoodu inoo saamaxdo, ayuun baa la idinku dabooli doonaa”.
Gebagebadii ayaa marwadu waxay dar-daraan u jeedisay carruurtaasi agoomaha ah in ay iyaguna noqdaan kuwo laga helo Akhlaaq wanaagsan iyo in ay ku dedaalaan waxbarashadoodda, maadaama oo dhamaanba bulshadu ay si weyn ugu tabcayso sidii loo daryeeli lahaa noloshoodda.
“Idinkana waxaanu idinka codsanaynaa in aad yeelataan Edeb iyo Akhlaaq, Dedaal iyo waxbarasho, waayo mustaqbalkii dalkan ayaad tihiin carruurta halkan ka soo baxday waa dadka aynu ku tashanayno inay hadhowto dalkeena hore u sii mariyaan, ILLAAHAY hala qabto, dadka gacanta ku hayana hala qabto” ayay tidhi Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde.
Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo iyadna halkaasi hadal ka jeedisay ayaa ku amaantay marwadda madaxweynaha deeqdani kala duwan ee ay soo gaadhsiisay carruurta agoomaha ah, waxaanay tilmaantay in ay muhiimad gaar ah leedahay in maalamaha ciidaha sidan oo kale looga farxiyo carruurta agoonta ah.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (shine), waxaanay tilmaamay marwadda koowaad in ay marwalba iska xil-saarto daryeelak dhamaanba xarumaha agoomaha ee dalka, isla markaana ay si weyn uga qayb qaadato caawintoodda, isagoo xusay in ay ay tahay hooyadda guud ahaanba carruurta reer Somaliland.
Waxaanu sheegay Mustafe Shiine, in marwo Aamina-weris ay si gaar ah kaalin muuqata ka qaadato horumarka gobolka Gabiley, isla markaana ay wax badan ka tarto taasina ay ka maamul ahaan ku amaanayaan marwadda.
By: Faysal Af-gaab
Dawannews Hargeysa office