Nukliyeerka Iiran oo Heshiis laga Gaadhay

0
296

Kaddib bilo wadahadalo ah, waxaa laga gaadhay heshiis taariikhi ah barnaamijka Nukleerka Iran.
Bilowgii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo lixda dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ayey madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, sheegtay in heshiiska lagu arkay in diblomaasiyadda ay wax ka qaban karto xiisado tobanaan sano taagnaa.
Faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ayaa shir jaraa’id looga dhawaaqi doonaa kulanka kaddib.
Wariyaha diblomaasiyada BBC-da ayaa sheegaya, inay u muuqato in Iran ay ogolaatay in baadhayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka Iran.
Heshiiska ayaa la filayaa inuu dajiyo jadwal cunoqabateynta caalamiga looga qaadayo Iran.
 

Leave a Reply