Hargeysa (Dawan): Shirkadda ganacsiga ee Al Nuur Furniture ayaa shalay Dharkii Ciidda, Kabbo iyo waxyaabaha ay carruurtu ku ciyaarto ugu deeqday 490 ka mid carruurta Agoonta ah ee jira xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargaysa.
Munaasibadii ay shirkadda Al-NUUR caawimadda ugu wareejinaysay carruurtaasi Agoomaha ah oo lagu qabtay isla xaruntaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen maamulka xaruntaasi agoomaha ee Hargaysa, xubno ka socday shirkadda Al-NUUR, iyo masuuliyiin kale.
Madaxa Suuqgaynta ee Shirkadda ALNUUR Md. Cabdiqani Maxamed Xuseen oo deeqdan ku wareejiyay maamulka xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargeysa, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay ee shirkaddoodu deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiso xarunta agoomaha Hargeysa.
Waxaanu yidhi “Deeqdan dharka Ciidda ah waxa uu ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR ku ciidsiiyay 485-ka agoon ee ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa, mana aha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR deeqdan oo kale u keento, laakiin sannad kasta, labada ciidood ee Islaamka (Ciidal-fidri iyo Ciidal-adxa) waannu ciidsiinnaa agoomaha si ay u farxaan, waxaanu Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR dammaanad-qaaday ILAAHAY ka sakow inuu sannad kasta labada Ciidood ee muslimiintu ciiddo uu ciidsiiyo agoomaha xarunta ku jira oo ay farxadda kala qayb qaataan ummadda kale”.
Md. Cabdiqani Maxamed, waxa uu xusay in deeqdani ay ka kooban tahay dhammaan dharkii (shaadh iyo surwaal, garan, nigis, i.w.m), kabihii (sandhal ama buudh) iyo qalabkii kale ee carruurta yaryari ku ciyaari lahayd maalmaha Ciidda.
Ku-simaha Agaasimaha xarunta agoomaha ee Hargeysa Md. Saxardiid Muxumed Jaamac oo shirkadda ALNUUR ka guddoomay deeqdan dharka ah ayaa isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, isaga oo mahadnaq weyn u jeediyay shirkadda ALNUUR.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkadda Md. Cabdiraxmaan-ALNUUR oo had iyo jeer xeradan agoomaha ah aad iyo aad uga war haya, muddo dheer oo ah ilaa imika dhammaadkii 2010-kii labada Ciidood (Ciidal Fidriga iyo Adxada) iyo inta u dhexaysa marka baahiyi jirto waxa uu ka mid yahay dadka gargaara ee wax u keena” .
Waxaanu intaasi ku daray “Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa halka uu deeqdan ka soo saaray boqol laabkeed u gasho Jasaa’akallaahu khayran ayaan leeyahay, Cabdiraxmaan-ALNUUR waxa uu xarunta agoomaha Hargeysa taray hadal kuma soo koobi karayo. Aad ayuu u mahadsan yahay” ayuu yidhi Md. Saxardiid.
Ma aha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR FURNITURE ciidsiiso agoomaha ku jira xarunta agoomaha magaalada Hargeysa, hase yeeshee sannad kasta waxay shirkaddani kafaalo qaaddaa farxadda ku-dhowaad 500 oo carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa.
Dhinaca kale Maxamed Dhamac, oo ah qoraa reer Somaliland ah kana mid ah muwaadiniinta qurba jooga ah ayaa isna shalay waxa uu xarunta Agoomaha ee Hargaysa ku wareejiyay deeq lacageed oo cadaan ah.taasi oo isla goobtaasi loogu qaybiyay carruurta Agoomaha ah.
Qoraa Maxamed Dhamac, ayaa ugu baaqay bulshadda kale ee reer Somaliland eek u kala nool dalka iyo dibaddaba inay ka qaybqaataan Caawinta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa. Isagoo xusay in qof kasta oo arkaa uu si weyn ula tacajabyo tiradda carruurta halkaasi ku jirta iyo baahiyaha kala duwan ee haysta.
Waxaanu sheegay Md. Dhamac in dhamaanba ummadda Somaliland gaar ahaana ganacsatadda iyo dadka Tujaarta ah uu xil ka wada saran yahay sidii loo caawin lahaa loona daryeeli lahaa carruurtaasi aan waalidkood noolayn eek u jira xarunta Agoomaha ee Hargaysa.
By: Idirs Muxumed
Dawannews Hargeysa office