Khubarada Hay’adda NASA Oo Sheegay Inuu Meeraha Pluto Markii Ugu Horeysay Taariikhda Soo Dhowaadey

0
319

Khubarada hay’ada saadaasha hawada ee wadanka Maraykanka ee lagu magcaabo NASA ayaa sheegay in markii ugu horeysay uu soo dhowaaday meeraha loo yaqaano Pluto,kadib markii uu u dhowaaday satellite ka loo yaqaano New Horizon oo halaasi loo diray 14 bisha July.
Dayax gacmeedkan ayay sheegeen khubaradani in uu u jirsaday meerahan 12,500 oo kilometres, halkaas oo uu awood u yeeshay inuu sawiro aad u qurux badan kasoo qaado,waxaanay noqonaysaa siday sheegeen markii ugu horeysay ee loo dhowaado sawiro si cad loo arkayona laga soo qaado.
Alan Stern oo ah cilmi baadhe ka hawl gala South West Research maxadka lagu magcaabo oo ku yaala Boulder oo kamid ah Colorado ,gaar ahaana maxadka weyn ee United States of America Institute ayaa sheegay in ay tahay fursadii ugu wanaagsanayd ee wax lagaga ogaan karo meerahaasi ,iyada oo ay tahay fursadii ugu dhowaanshaha badnayd,ayna tahay in loo diro cilmibaadheyaal badan,taas oo laga soo heli karo waxyaalo badan oo guul u horseedi kara khubarada Sayniska.
Dayaxgacmeedkan New Horizon ayaa ku kacay kharash dhan $700 million ,taas oo ay bixisay hay’adda NASA,waxaanu ka ambabaxay gegida Satelites ka ee NASA  sannadii 2006,bishii Junuary,isga oo bishan july 14-keedii gaadhey meerahaasi,kaas oo aad ugu dhowaaday.
Khubarada Sayniska ayaan wax badan ka aqoon meerahan tan iyo markii la daah furay sannadkii 1930 kii,taas oo ay sabab u tahay isaga oo aad uga fog dhulka,waxaanu u jiraa dhulka sida la sheego 4.8 billion kilometres,waana mid ay adag tahay in wax badan laga sheegaa madaama oo ay adag tahay in la arkaa.
 
 
 
 

Leave a Reply